Author Topic: Su'aal: Subaga Idaha Iyo Beer Xanuunka?  (Read 39918 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Xiddigaduula

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Subaga Idaha Iyo Beer Xanuunka?
« on: December 10, 2016, 02:58:22 PM »
asc dr su'aal baan qabaa soomalidu ayodoo xanuuno ku daawaysa subaga idaha hadana waxay dhahaan xanuuno ayuu opposite ku yahay oo aad u dhiman khaasatan xanuunka cagaar show-ga.
marka su'aashaydu waxay tahay subaga idaha sidaa ka dhawaajisay jirteyna xanuuno ayaa lagu daaweyaa so, xanuunada qaar hadaa qabtid oo dhadhamisid subaga idaha ama aad cuntid cuno ay ku jirto hilib idaad ama subagii malaga yaabaa inaan u dhimatid ama uu kaaga daro xanuunkii aad rabtey inaad kaga bogsatid in uu kugu sii xumaado?
Mahadsanid Dr




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Subaga Idaha Iyo Beer Xanuunka?
« Reply #1 on: January 23, 2017, 02:08:54 PM »


Bismillah,

Waxaan qormadaan kaga jawaabi doonaa insha'llah dhowr su'aalood oo ka dhashay casharkii Cagaarshowga iyo casharkii Subagga Idaha.

Haddii aadan horay u akhrisan labadaas cashar kaga bogo link-gaan hoose:
Cudurka Cagaarshowga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=633.0
Caafimaadka Subaga Idaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0

Waxaa kaloo jira qoraal aan safiican ugu faahfaahinay cilladda loo yaqaano "Beerka Xeyrta Leh" ama "Fatty Liver", oo aan kaga hadalnay waxyaabaha keeno, siyaabaha looga fogaado iyo qaabka lagu ogaado, kaga akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5496.0

Su'aalaha ugu badan ee nala soo waydiiyay waxay ahaayeen:
Qof cagaarshaw qabo ma isitcmaali karaa Subagga idaha?
Soomaali badan ayaa aaminsan haddii qof cagaarshaw qabo uu dhadhamiyo Subagga Idaha inuu dhimanayo, taasina guud ahaan sax ma ahan. sababtoo ah waxaa muhiim ah in la ogaado cagaarshawga noociisa, heerka uu marayo iyo beerka shaqadiisa, maxaayeelay cagaarshaw walba subaga lagama ilaaliyo, way jiraan xaalado gooni ah oo laga fogaado subagga iyo wax walboo culeys saari karo beerka shaqadiisa hadduu qofka uu leeyahay howlgabka beerka, ka akhriso halkaan qoraal aan uga hadlay Howlgabka Beerka iyo Waxyaabaha Keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5648.0
Sidaa darteed hadduu qofka uusan qabin howlgabka beerka wuu isticmaali karaa Subagga Idaha hadduu xitaa qabo cudurka Cagaarshawga.

Cabidda subagga ma u daran yahay caafimaadka beerka
Sida aad ku aragtay qoraalka kore ee ku saabsan "Beerka Xeyrta Leh", cabidda ama isticmaalka subagga kama mid ahan waxyaabaha keeno in beerka xeyr fuusho ama hoos u dhigto shaqadiisa, sababtoo ah beerka si sahlan ayuu subagga u maareeyaa illaa inuu qofka qabo xanuuno kale mooyee sida macaanka, kolestaroolka iyo cilladda ka takhallus la'aanta xeyrta jirka ama qofka uu leeyahay balwad sida khamriga.

Cudurkee laga ilaaliyaa Subagga Idaha
Subagga idaha wuxuu la mid yahay dufanka kale ee la isticmaalo markii laga hadlayo caafimaadka beerka, hadduu qofka leeyahay cilladahaan hosoe mid ka mid ah waa inuu ka fogaado duafanka oo idil ee ma ahan wax u gaar ah subagga idaha:
  • Cagaarshowga Cusub (Acute Hepatitis): Markuu cagaarshawga kugu cusub yahay waa in aad ka fogaatid wax walbo oo beerka dhib u keeni kara ama u diidi karo in xanuunka aad kaa dago, waxyaabahaasne waxaa ka mid subagga oo idil.
  • Cagaarshowga Firfircoon (Active Hepatitis): Waa cagaarshawga  leh astaamaha feyraska tarmayo, waxaana lagu gartaa cabirka xaddiga fayraska iyo heerka shaqada beerka, waa inuu qofka ka fogaadaa subagga iyo waxyaabaha kale oo halista ku ah beerka oo aad ka akhrisan kartid qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5648.0
  • Macaanka aan kontaroolnayn: Cudurka macaanka ee kacsan ama qofka usuan daawo u qaadanin waa in laga fogeeyaa isticmaalka subagga, sababtoo ah sokorta kacsan waxay ka hortagtaa in xeyrta ama subagga jirka ay ku milanto.
  • Cudurka Kolestaroolka: Waa cillad aan horay ugu faahfaahinnay qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1461.0
  • Cudurka Xididada Wadnaha: Hadduu qofka horay u qabay wadne qabad ama xididada wadnaha ay ciriiri yihiin, waa inuu ka fogaadaa subagga iyo dufanka oo idil inkastoo cilmibaarayaasha qaarkood ay sheegaan in Subaga Idaha uusan dhib u keenin xididada wadnaha sida aad ku arakteen qoraalkii hore ee Subaga Idaha aan uga hadlay, akhriso qoraal ku saabsan xanuunka wadne qabadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=685.0

Waxaa kaloo jiri kara xanuuno si kumeel gaar ah uu dhakhtarka kaaga reebi karo isticmaalka subagga, waxaana ka mid ah Gaaska iyo Xanuunka xameetida.
Inkastoo Subagga Idaha uusan wax gaas ah qofka ku kicin, daawane u yahay nooca boogaha caloosha keeno, laakiin haddii xameetida aad ka jiran tahay sida caabuq ama dhagax ku jira waa in dufanka oo idil aad ka fogaataa.

Haddii aad faahfaahin u baahan tahay ama su'aalo dheeraad ah aad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17259
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14868
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34095
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 40421
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87823
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!