Author Topic: Su'aal: Xanuun hunguriga ah markaan wax liqay?  (Read 10626 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hawa omer

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanuun hunguriga ah markaan wax liqay?
« on: January 23, 2017, 08:58:50 PM »
Asc doc horta ugu horeen waad mahadsantihiin sidaad iskugu hawlaysan inad qof walaba ka qancisan su.,aasha maskaxdiisa ku wayn. 
Waxan doonaya ina su, aal idin waydiyo
Inkastoo laba su, aalod oo hore wali iiga soo jawabin lkn waqti ayeey iskaga baahanyihin.

Insha allah su, aashayda waxay tahay mudo hada laga joogo labo  sano ayaan maalin cunto suuqa laga soo iibiyey cunay waxana I xanuunay hunguriga oo waxba waan liqi kari waayey  waxan tagay pharmacy gabadhii waxay igu tiri waa infection ee iska ilàli waxa suuqa laga keeno daway I siisay wana ku fiicnaday alx.

Hada sanadkii dhamaday bilihiisi hore ayaan sidii oo kale noqday. Lkn xanuunka kii wuu ka sii badna wuu na I xanuunayey sometimes waxad moodaysay inaa dhagax liqayo marka wax liqayo marna anigu waxba cunin ayaa moodaysa inay wax I taagan tihiin intaa ka dib dhakhtar wayn baan tagay dhakhtarkii wuxu igu dhahay waa gaas dawooyin gaas buu isiiyey.  Kadib wan ki fiicnaday dhiigag badan waa layga qaaday iyo saxaro negative wax kasta xanuunkii xata xabadka ayuu u soo dagay xabadkii aya waxa layga saaray scan waxna igumay sheegin mudo marka dawaxii gaaska qaadanyey dhakhtarka taladiisina qàtay waan roonad alx lkn doc waxa jira in xanuunka mar mar dareemo sidii qof cunaha wax u taagan yibiin oo kale
Su, aashaydu waxytahy gaasku ma qabata hunguriga.?  Mida labaad waan dareema marka gaaska igu kaco waxad mooda inay wax I taagan yihiin kuleel iyo qaraar insha allah jwb tnkz




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuun hunguriga ah markaan wax liqay?
« Reply #1 on: April 26, 2017, 11:51:58 AM »
Qaabka aad u dareemaysid xanuunka afar mid ayay u badan tahay, mid walbane cashar u gooni ah ayaan ka diyaarinay ee iska fiiri astaamaha kale ee aad isku aragtay, dhakhtarne la xiriir si loo kala saaro:
1- In xanuunka quumanka uu jiro oo ay ku bararaan muddo markii la joogaba: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1116.0
2- In xanuunka gaaska weliba nuuc laabjeexa uu jiro oo markay aashitada kulul dhuunta soo gaarto ay murqaha geejinayso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0
3- In ay jiraan wax kuusan oo wax laqidda kaa hortaaga sida bararka qanjirka thyroid-ka oo aad ugu badan haweenka soomaalida: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0
4- In ay jirto xasaasiyad ama allarji keenayo in dhuunta ay gudaha kaa bararto sidaasne aad ciriir cunnada ku dareentid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7342.0

Midda kale, su'aalahaagii hore waa laga jawaabay, adigaa dib u raadin ayaan filayaa ee halkaan ka eeg:
1- Xanuun iga hayo dhinaca bidix? : http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7692.0.html
2- Raajo iyo Scan badan?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7749.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33445
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32519
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23688
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41845
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29592
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc