Mayiiko ama ku walfidda galmada waa dhibaato timaada markii qofka uu leeyahay dhaqan, dabci ama fakar u muqda mid aan kontroolneyn.
Badanaa aqoonyahannada waxay u kala qaybsamaan labo koox markii laga hadlayo cilladaan: qaar aaminsanyahay in uu yahay walfis uusan ahayn xanuu nafsaani ah oo sida khamriga iyo daroogada loogu walfo oo kale una baahanyahay in qofka laga gooyo.
kooxda kale waxay aaminsantahay in uu yahay cudur ka mid ah cudurrada maskaxda oo u baahan takhtar, la talin iyo daaweyn maadaama qofka uusanba aaminsaneyn in uu xanuunsanyahay uusanne nafsaddiisa uusan ka fakarayn.
Badanaa mayiikada waxaa la socdo in qofka uusan lahayn wax celiyo sida shakhsiyad, diin, dhaqan ama moral intaba.
Mayiikada waa xanuun lagu tiriyo xanuunnada ku dhaca maskaxda wuxuuna leeyahay heerar kala daran wuxuuna ku dhacaa ragga iyo dumarka si isugu mid ah.
Badanaa dadka noocaan ah ma qirsane in uu xanuun hayo, waxayna badanaa cudurdaar u raadiyaan falalkooda.
Dadka qaba mayiikada waa dad halis u bareera kamana fikiraa khatarta ka dhalan karta galmoodkooda aan kontoroolneyn sida cudurrada galmada la isku qaadsiiyo ama waxyaabaha ka dhalan kara falkaas taasoo saameyn ku reebta qofka xiriirkiisa iyo noloshiisa bulshadeed.
Dadkaan waxay mararka qaar ku dhaqaaqaan falal la yaab leh sida in ay isku qaawiyaan meelo bulsho joogto iyo in ay faduuliyaan caruurta.
Xaaladdaa mayiikannimada waxa la socdo oo lagu garto waxaa ka mid ah:
1- Siigeysi joogto ah
2- Gogol-dhaaf iyo u tagis dad kala duwan
3- Isitcmaalidda filimaanta iyo sawirrada jinsiga ah
4- Sharmuutannimo iyo dhilleysi
5- Is qaawin
6- Shukaansi lagu waasho.
7- Fiirsashada dadka qaawan
8- Kufsasho ama caruur xoogis
Dadkaan marka ay sameeyaan falalkooda ma dareemaan danbi ama ka xumaasho mana awoodaan in ay kontaroolaan nafsaddooda.
Daaweynta qofka noocaan ahi waxaa ka horreeya inuu aaminsanyahay in uu xanuun hayo uuna u baahanyahay in la daaweeyo inkastoo badankood ay takhaatiirta la xiriiraan markii dhib weyn soo qabsado sida in shaqada laga eryo, cudur galmo ka qaadaan, guurkooda dumo ama xabsi la dhigo.
Daaweynta waxaa ka mid ah in qofka looga sheekeeyo galmada caafimaadka leh, diinta islaamka waxa ay ka qabto dadka sineysta, in la siiyo latalin joogto ah iyo qofka alle ka cabsigiisa lagu abuuro.
In qofka uu raadsado guur xalaal ah ama soonka badiyo kaasoo diinteenna noo sheegtay in uu dareenka dajiyo.
Waxaa kaloo jira daawooyin la siiyo oo lagu hilmaansiinayo cilladaan maskaxda kaga taagan.
http://somalidoc.com