Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Hypertension Inuu Yahay Ma hubo? Ee Ii fasira?

(1/1)

Muna O.Hamari:
Asc. Waan idin salaamay bahda Somali doctors. Salaan ka dib waxaan rabaa inaad warbixin iga siisaan dhiikarka hypertension  iyo waxyaabaha sababa. Waxaan leeyahay dhiikar da'dayduna waa 32 waxaan dareemeyey muddo 2 sanno ah waxaan baadhay kelyahayga renel profile iyo subaga lipid profile waxay ii sheegeen inay fiican yihiin labaduba uuna yahay unknown cause waxay isiiyeen daawada Enalapril 24kii saacba mar baan cunaa. Markaa maxaad talo ah oo aad igu kordhin kartaan.
 Mahadsanidiin

SomaliDoc:
Badanaa dhiig-karka sababta loo raadiyo waa midka ku dhaco dadka da' yarta ah, wayna dhacdaa mararaka qaar in la waayo sababta inkastoo baaritaanno badan lagu sameeyo qofka oo ay ka mid yihiin labada aad hadda sheegtay.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhiig-karka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=467.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version