Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Markaan arko dhiiga caadada waan naxaa?

(1/1)

Kaltuun:
asc dr maxa keena markay caadadu ugu dhacdo aan arkoba dhiigaas wan naxaa naxdintaas maxaa sababaya dr mise waa arin caadiya oo dhacda.
tan kale qiyaas ahaan hal maro ayaan isticmaala markaa uu igu dhaco afar cishana waa iga socdaa marka mala oran karaa dhiig la'aan ayaa ihaysa.
shukran wllo

SomaliDoc:
Waa arrin dabiici ah oo haweenka qaar isku arkaan cabsida, welwelka iyo nixitaanka la dareemo xilliga caadada iyo marka ay imaanayso, waa arrin kaa tagi doonto insha'llah haddii aad la qabsatid, waxayna dhakhaatiirta aaminsan yihiin inay ka timaado khalkhaal hormoonaatka ku dhaca iyo dadka qaar oo cabsi ka qaba aragtida dhiigga khaasatan gabdhaha marka ay ku cusub yihiin caadada.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhiig-baxa caadada la socdo iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4157.0

Kaltuun:
aad baa umahadsantahy dr

Navigation

[0] Message Index

Go to full version