Author Topic: Su'aal: Ilmaha dibadaha way muuqaal quruxsan yihiin?  (Read 15198 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Torayo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ilmaha dibadaha way muuqaal quruxsan yihiin?
« on: January 26, 2017, 03:44:12 PM »
Dre maxay ilmaha dibadaha ku dhasha uga muuqal quruxsanyihin ugana miizan sareeyaan kuwa lagu dhalo  somalia amaba africa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ilmaha dibadaha way muuqaal quruxsan yihiin?
« Reply #1 on: May 03, 2017, 08:05:04 PM »


Bismillah,

Bulsho walba waxay yeelataa muuqaal u dhigma nolosha ay ku nooshahay, taasina waa lagu kala duwanaan karaa sida loo arko markii tilmaan qurux la adeegsanayo, sababtoo ah waxa aad adiga qurux u aragtid ayaa qof kale u arki kara foolxumo.

Farqiga u dhaxeeyo muuqaalka caruurta ku kala kortay wadamo kala duwan waxay ku xiran tahay qaabka ay caruurtaas u noolaayeen ama u koreen, waxaana taasi ka qeyb qaadanayo dhowr shay oo isku tagay sida deegaanka, cimillada, cuntada, xeerarka bulshada iyo dhaqanka qoyska. waana arrin ku meel gaar ah oo waxay ku xiran tahay meesha ay caruurta markaa ay ku nool yihiin.

Sababtoo ah haddii caruurtaasi la geeyo meel kale, muuqaalkoodii wuu isbadalayaa iyadoo weliba ay dhici karto in waalidka uu isla cunnaddi uu siinayo amaba ka dabiicisan iskuna dayayo inuusan noloshoodii wax badan uusan ka badalin, laakiin maadaama deegaanku isbadalay, qaab nololeedkuna wuu isbadalayaa, caruurtuna way isbadalayaan. mana ahan sida dadka qaar ay ka dhawaajiyeen in saboolnimada, amni darrida iyo nuuca cuntada ay ku xiran tahay.

Tusaale: caruurta ku nool dhulalka leh cimillada dhexdhexaadka sida soomaaliya oo kale, way ka dhuudhuuban yihiin caruurta ku dhalato dhulalka qaboobaha, sababtuna waa biyo cabitaanka oo yar, dhididka oo badan, firfircoonida, cunnada oo badanaa tamar loo badalo isla markiiba, inyarne uu jirka kaydiyo, laakiin caruurta dhulalka qabow ku koray firfircooni badan ma jirayso sababo la xiriiro cimillada awgeed, taasoo keenayso in jirka uu keydiyo dareere badan iyo cunnadii oo badanaa lagu dhaqdhaqaain, taasi waxay keenaysaa in muuqaal ahaan ay ka wayn yihiin caruurta kale.

Sidaas ay tahayne cimillada dartood lama oran karo, sababtoo ah caruurta ku kortay dhulalka carabaha khaasatan kuwa aadka u kulul, way ka muuqaal waawayn yihiin caruurta ku korto dhulalka reer galbeedka oo ay isku da'da yihiin sababtuna, waa dhaqdhaqaaq la'aanta cimillada oo kulul awgeed iyo cabitaanka oo badan harraadka dartiis oo weliba kuwa sokorta ku badan tahay, marka dhaqdhaqaaq la'aanta iyo cunnada aan lagu jimicsan iyadane dowr ayay ka qaadataan.

In qaab nololeedka ay asal u tahay muuqaalka qofka, waxaana arrintaan u daliil ah in isla dalkeena, reer miyiga ah iyo reer magaalka aysan isku muuqaal ahayn, xoolo dhaqatada iyo beerayalayda aysan isku muuqaal ahayn. marka arintaan kuma xirno in dalka laga baxo si muuqaalkaaga isku badalo.

Haddii aan u soo laabto isbadalka midabka qofka, Alle wuxuu jirka bini'aadanka ku abuuray unugyo loo yaqaano "melanocytes" oo howshuudu tahay in ilayska qoraxda ay jirka ka ilaaliyaan inay dhaawac gaarsiiso, waxay kaloo jirka siiyaan midabka madawga ama mugdiga ah, marka hadduu qofka tago dhul qabaw, midabkiisu wuu isbadalayaa oo unugyadii ayaa shaqada yaraynayo taasina maahan sida dadka qaar u fasiraan in qofka uu helay nasasho ama niyadda u dagtay, saasne uu muuqaalkiisa isku badalay, waxaaba laga yaabaa inuu ka shaqo iyo welwel badan yahay intuusan tagin wadankaas cusub, laakiin markuu qofka ku soo laabto dhulkii qoraxda lahaa, unugyadii dib ayay shaqo u bilaabaan, midabkiina madaw ayuu yeelanayaa. sidaas darteed dadka cadcad waxaa lagu la taliyaa inaysan qoraxda isku dhigin muddo dheer maadaama unugyadaas ay jirkooda ku yar yihiin, haddiise ilayska qoraxda ay muddo isku dhigaan waxaa ku dhaca kansar nuuca loo yaqaano "melanoma".

Midda cuntada ku saabsan, waxaa muhiim ah in caruurta ay dhaqdhaqaaq ku filan sameeyaan si loo gubo cunnada ay cuneen, haddii kale jirka ayaa lagu kaydinayaa, baruur ayaana qofka fuulayso, wuuna cayilayaa khaasatan haddii caruurta la siiyo macamacaanka tirada badan ee suuqyada yaallo.

Marka intaas iyo in ka badan oo isku tagay ayaa sabab u noqonayo in qof walba uu yeesho muuqaal u dhigmo qaab nololeedkiisa iyadoo ay caawinayso cimillada deegaanka uu ku nool yahay taasina looma soo qaadan karo tilmaan qurux, maadaama qof walba uu quruxda si u yaqaano.

Waxaa intaa sii dheer in hidde raaca iyo hidde tilmaamayaasha qofka uu ka dhaxlay labadiisa waalid inay asal u tahay muuqaalkiisa, taasoo aan la badali karin.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in caafimaadka qofka aan lagu ogaan karin muuqaalkiisa iyo deegaanka uu ku koray kaliya laakiin ay tahay waxyaabo badan oo isbiirsaday.

Marka arrintaan ku saabsan farqiga umadaha u dhaxeeyo iyo saamaynta uu deegaanka ku leeyahay muuqaalka, korriimada, dabciyada iyo caafimaadka qofka waa cilmi sidiisa loo barto, halkaane laguma soo koobi karo laakiin waxaan filayaa in aad fikrad kooban ka qaadatay.

Haddii aad faahfaahin u baahan tahay, su'aashaada ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44278
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14627
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12556
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 36354
Last post February 28, 2016, 02:40:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26109
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc