Author Topic: Su'aal: Gaas Ayaa I haya dawooyinkisana waan qaatay?  (Read 5092 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qoorleex

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Gaas Ayaa I haya dawooyinkisana waan qaatay?
« on: January 28, 2017, 07:16:28 AM »
Asc,  waxaan waydiinayaa dhakhatiirta sharafta leh labo su'aalood  mida hore
1-Gaas Ayaa I haya dawooyinkisana waan qaatay  waxaan isku arkay carrabka oo nabro yar  yar  yeeshay wuuna I xanuuna  mararka qaarna layer cadiin ah ayuu yeesha   
Arinta gaaska xiriir mala leedahay
2- su'aasha labaad cidiyaha faraha ee gacmaha qeybtooda hoose  liidinta cad ee  Ku taala caafimaadka qofka xiriir mala leedahay?
Mahadsanid.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Gaas Ayaa I haya dawooyinkisana waan qaatay?
« Reply #1 on: May 04, 2017, 11:30:25 AM »
Gaaska nuuca leh laabjeexa wuxuu saamayn ku yeeshaa carabka iyo dhuunta, laakiin waxaa haboonaan lahayd in nabraha aad shegayso la arko, midda ku saabsan xuubka cad ee afka ku samaysmo, waxay noqon kartaa cabeeb ama umulwo sidaa u taqaani, ama caabuq carabka ku dhacay ama waxyaabo kale.

Dhibicyada iyo xariimaha cad ee cidiyaha ku samayso wax dhib ah ma keenaan, waxayna tilmaan u yihiin badanaa dhaawac hore oo ciddida gaaray inta ay koraysay, dadka qaarne lama yaqaano sababta ay ugu samaysanto.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: