Author Topic: Su'aal: Indhaha ayaa I ilmeeya?  (Read 3031 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ilias

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Su'aal: Indhaha ayaa I ilmeeya?
« on: January 28, 2017, 12:40:18 PM »
Asc doc.
Hada ayaan ku waydiiyey suaal qabawga ku saabsan tan waa indhaha marka aan baskiil wado waxa I ilmeeya indhaha waana marka aan qabawga dareemo ama hawada indhaha iga gasho. Marka aan guriga joogo isha midig ayaa I ilmeyso marmar.waxaana u bogaa marka aan gacanta dusha ka marmariyo. Waxaan kloo aad oogu bogaa markaan riixo in Cabaar ah qaybta ay ilinta ka soo baxdo sanqaroorka agtiisa. Marmar qaar indhaha waxaan mooda inay tin ama wax kle iga galeen markaan gacanta yara marmariyo way I daysaa. Marka aan qabeeska ku jiro saabunta iyo biyaha ayaa badanaa indhaha iga galo mana garanayo inay ayaga  sabab u  yihiin iyo in kle.d octornna wali uma tagin waxaaan aad u dareemay mardhow. Marka doc maxay tahay ciladan.
Fadlan adoo raali wixii aad suaal qabto waad isoo waydiin kartaa

Allah janatul firdowsa ha kuugu bishaareyo doc . Mahadsanid in badan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Indhaha ayaa I ilmeeya?
« Reply #1 on: May 04, 2017, 11:40:32 AM »
Tan waa arrin si dabiici ah dadka u dareemaan khaasatan markaad meel qabaw ku oridid ama baaskiil aad ku kaxaysid, dabeesha qabawga ah ayaa indhaha qallajinayso, qanjirrada ishuna waxay soo deynayaan ilin badan si insha qalleelka looga ilaaliyo. haddii aad cuncun ama in qashin indhaha kaa galay aad dareentid waa calaamad xasaasiyad oo qabawga ka dhalatay, isku day in aad muraayado xirato markaad qabawga ku ordayso ama baaskiil ku wadatid.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: