Author Topic: Su'aal: Cirbad dhabarka la iiga duray markaan foolanayay?  (Read 50684 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Zuuzuu

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cirbad dhabarka la iiga duray markaan foolanayay?
« on: January 29, 2017, 05:13:29 AM »
Asc dr su aal murug igu heso ban raba ina ku weydiiyo dr wax dhabarka la iiga duray markan folanayay cirbid xanunka baa bi iso ay igu dhahen dhaqtirta xanunke kaa yarenesaa dadka qarna waxay ileyhn cirbidas ma fiicno waa halis dhabarka hadhow ayuu xanun kugu so bilawaya anigana waxas ma arko 3month ayaana sii maraya dr qer allha ku siyo iga so jwb plz jazakallh




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cirbad dhabarka la iiga duray markaan foolanayay?
« Reply #1 on: May 12, 2017, 07:53:30 PM »


Waa maxay cirbadda joojiso xanuunka foosha?
Cirbadaan waxay si kooban u xannibtaa dareenka xanuunka la dareemo xilliga foosha, waxaana loo yaqaanaa "Epidural block", waa nuuc ka khafiifsan cirbadda lagu suuxiyo qeybta hoose ee jirka markii hooyada lagu qalaayo ilmaha, waayadaan dambane aad ayaa loo isticmaalaa cirbadda joojiso xanuunka foosha, waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 50% haweenka ku dhala yurub iyo maraykanka in cirbadaan codsadaan si xanuunka uga yaraado.

Dhibaatada ay leedahay cirbadaan waxaa ka mid ah:
  • Cadaadiska dhiigga inuu hoos u dhaco, sidaa darteed qofka inta aan la durin waxaa badanaa lagu xiraa faleebooyin xididka ah, inta uu qofka foolanayane waa in si joogto ah loola socdaa cadaadiska dhiigga, maadaama si kadis ah hoos ugu dhici karo.
  • In dareeraha xangullaha uu banaanka u soo baxo, waana arrin ku dhacdo haweenka boqolkiiba 1%, arintaan waxay keentaa madax xanuun siyaado ah, qofkane mar labaad ayaa laga duraa dhabarka iyadoo la adeegsanayo dhiigiisa si madax xanuunka loo joojiyo.
  • Waxaa dhacdo mararka qaar in maadaama xanuunka yaraaday in hooyada ay iska hurudo oo cunugii riixi wayso, taasoo halis galin karta uurjiifka, waxaana markaas hooyada la siiyaa daawooyin kale oo foosha kululeeyo.
  • Foosha ka dib waxaa laga yaabaa inaad muddo kooban sii dareentid kabaabyo qeybta dambe ee jirka ah, qofkane wuxuu u baahnaan doonaa in la garab galo markuu soconayo.
  • Waxaa dhacdo mararka qaar inkastoo dhif tahay in meesha dhabarka lagaaga muday cirbadda inay kabuubyo joogto ah yeelato, taasoo dareenka maqaarka ka maqnaado.
  • Waxaa jira cilmibaarayaal sheegay in hooyada dhabarka lagaga mudo cirbadaan inay cunugeeda dhib kala kulmo naas nuugista marka ugu horayso oo uu qabsan waayo, laakiin maahan arrin la isku wada raacsan yahay.

Maxaa Talo Ah?
Maadaama ay dhici karaan dhibaatooyinka kor ku xusan, badanaa waxay dhakhaatiirta ku taliyaan in cirbadaan la qaato markii hooyada ay tabar dhigto foosha darteed ama uurjiifka uu daalo si ay u nasato, laakiin badanaa waxaa cirbadaan codsado haweenka foolanayo dhakhtarka ka sokow, marka waa muhiim in hooyooyinka lala socodsiiyo cirbadaan iyo waxyaabaha la filan karo, dhakhaatiirtane ay taxaddar siyaado ah muujiyaan.

Akhriso qoraal ku saabsan qalliinka uurka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1103.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, ku soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waan naxaa markaan hawl aanan hore u qaban jirin qabanayo?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6989
Last post October 05, 2015, 11:40:31 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18747
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48199
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cunaha markaan cadayanayo xubuub adag oo ur leh ayaa iga soo baxa?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 116872
Last post May 16, 2010, 09:57:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan socdo waxaan dareemaa in uurjiifku uu dhaqaaqa joojiyo?

Started by Umu MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9661
Last post February 12, 2016, 08:11:39 PM
by SomaliDoc