Author Topic: Su'aal: Ilma yar ayaa iga xanuusanaya?  (Read 4331 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Raaliyo20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ilma yar ayaa iga xanuusanaya?
« on: January 31, 2017, 12:50:02 AM »
ilma yar ba iga xanusanaya oo raba in aan wax ka waydiyo xanuunkisa wixi talo ah eed isisana insha allah wan qadan

ilmahan yare iga xanusanaya waxa uu ku dhashay isagon wakhtigisi dhamaysan 26weeks ayu ku dhashay tasan oo ay yirahden dakhtaradi ilmahan yar calosha Kuma korayo oo nafaqadi iyo cuntdi logu tala galay ma garayo, sidasu ku yimi bananka in mudo ahna qurarad ku jiray ka dib alxamdulilaah wan iladnaday lkn cilada jirta ee ku bilamantay ila hadana ku sugan yahay waa cunto ma cunayo canana ma cabayo hadi wax yar cunana wa matagaya marki la badhayna waxay yirahden gaas ba dhunta ku so kacaysa oo sidasu u matagaya cuntadana u didaya waxa uma qaban karno wa laga yaba in marku weynado iska ladnado oo waxani ka ba aan dawo yar bay u qoreen oo subaxi siyo magacedana waa NEXIUM
waxbana kama cawiso xage mataga. ilmaha misankisa wa hooseya tasna waxa sababaysa wax cunto lanta xita tunbo calosha laga galiyey oo ay yirahdeen hadan afki wax ka cunayn xaga canaha uga shub. Dr aad ban uga warwaraya ilmaha yar wixi aad talo iga sin karto iga sii ilahay khayr fara badan ha ka siyee. marka mataga bilabayo ilmaha waxa ku bilabma qufac yar ka dibna matag wixi caloshisa ku jiray oo dhan ba bananka yimada ka dib wa nafisa. hooyan ahayo waxan is waydiyey arma cilad kale jirta sida muruqa kala xidha calosha iyo hunguriga arma dabacsan yahay..... ana is yidha taas iyaga imay sharaxin kaliya gasta ba so kacaysa dhunta oo mataga iyo cunto la anta sababaysa igu yirahden.
hadi taasi jirto DR aan aniga ku fikiray wax ma laga qaban kara. ilmaha hada wa 3 jir intisa aad ugu yar. sorry dr hadalka wan badiyay lkn in aan ku fahan siyo donayey xalada ilmaha.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ilma yar ayaa iga xanuusanaya?
« Reply #1 on: May 05, 2017, 07:39:33 PM »
Dhowr cilladood ay ku dhashaan caruurta dhiciska ah ayaa jirta, waxaa ka mid ah cillad isku-furan u dhaxayso tubada hunguri mareenka iyo tubada hawada, caruurta badanaa waxaa lagu arkaa matag iyo cunnada ay ku sixdaan, dhaqaskane ku dhago markay damcaan inay wax liqaan. Akhriso jawaab ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6561.0

Waxaa kaloo jiri karta in caloosha iyo mindhicirrada meesha ay iska galaan inay ciriiri tahay, waxaana cilladaan loo yaqaanaa "Pyloric Stenosis", waxaa lagu gartaa in cunuga caanaha uu cabo, markuu dhargo kadib uu sidii tubo la furay camal u soo matago cunnadii caloosha gashay.

Marka intaba waa suuragal, waana cillado badanaa lagu qaldo cudurka gaaska, haddii cillada ay weli sii socoto wuxuu u baahan doonaa cunuga yar in dhuunta, hunguri mareenka iyo caloosha laga sawiro, waxaadna u baahan tahay in aad la xiriirtid dhakhtar takhasus sax ah oo caruurta ah ama dhakhtar caloosha iyo dheefshiidka caruurta ku takhassusay "Pediatic Gastroenterologist", wayna garan doonaan cilladahaas haddii ay jiraan insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: