Author Topic: Su'aal: Cidiyahaygu waa jilcan yihiin?  (Read 11735 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ilias

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cidiyahaygu waa jilcan yihiin?
« on: February 06, 2017, 10:30:15 PM »
Asc doctor. Qayr Allah ha Ku siiyo. Waxaan rabay inaad faahfaahin iga siiso cidiyahaygu waa jilcan yihiin markay yara baxaan oo dheradaan waxooga qaybta baxday waan laabi Kara sida loo laabo galaasaha ay Ku soo baxaan yaanyada iyo wixii lamida. Hadii aan dhowr jeer Ku celceliyo laabitaanka wayba jabaan. Xanuuna kama dareemo xitaa markaan dhar dhaqo in cabaar ah wayba iska jabaan ayadoon cidna taaban. Reerkayga dhan cidiyahooda way adagyihiin waa aniga kliya. ciladna maaha oo ilaa aan ka aqliyeestay waa saas wax dhibaato ahna Kuma qabo. Waxaan la yaabay mar marka qaar dadkle cidiyooga  waa adayg aan Cadi ahayn kayga marka loo fiiriyo warqad ayaanba mooda. Marka doc. Arintan faahfaahin iga sii fadlan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cidiyahaygu waa jilcan yihiin?
« Reply #1 on: May 10, 2017, 08:06:21 PM »


Ciddiyaha oo khafiif / jileec noqdo ama jajabo / dildillaaco waxaa loo yaqaanaa "Brittle Nails", waa cillad ku dhacda dadka qaar.

Maxaa keeno ciddiyo jileeca?
  • Dhaqidda joogtada ee maacuunta iyo dharka, dabaasha iyo gacmaha oo badana biyo lagula jiro waxay keenaan ciddiyo jileec ama kafiif.
  • Dadka badanaa ciddiyaha sifeeyo ama isticmaalo "nail polish" muddo dheer, waxay isku arkaan ciddiyaha oo jajabo ama dildillaaco.
  • Xanuunada qaar waxay keenaan ciddiyaha oo khafiif noqdo khaasatan xanuunka qanjirka thyroid-ka dhacsan oo badana ku badan haweenka soomaalida, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3273.0
  • Nafaqo darrida iyo fitamiinnada qaar oo jirka ku yiraado sida fitamiinka B-complex, kaalsiyamta, birta iyo macdanta zinc-ka waxay keenaan ciddiyo khafiif, jiljilleec iyo inay dillaacaan sabab la'aan.
  • Haddii aad tahay dadka aan cabin biyaha, waxaa jirka ku dhaca fuuq-bax, taasoo keenayso in ciddiyaha ay qalalaan, nafaqadane ku yaraato, kadib way jajabaan.

Sidee loo daaweeyaa ciddiyaha khafiifaka ah?
Waa muhiim in marka hore la ogaado sababta ka dambaysa in ciddiyahaagu ay sidaa yihiin, waa in aad dhakhtar cudurrada maqaarka la xiriirta, lagaana baaro cilladaha hormoonka la xiriiro khaasatan cudurka thyroid-ka ee aan kor ku xusay, dhiig-yarida, kaalsiyamta iyo fitamiinnada khaasatan D, haddii aad ku nooshahay nulalka qaboobaha ah.

Kadib markii la helo cilladaada, waxaa lagu siin karaa talada ugu habboon.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ilias

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Cidiyahaygu waa jilcan yihiin?
« Reply #2 on: May 14, 2017, 12:58:56 AM »
Mahadsanid doc. Lkn aniga arintyda waa nature waaba Ku dhashay cidayahayga wax nabar ah malaha lkn qaybta markay soo baxdo la jaro ayaa jilcan haday waxooga dherato way la laabi karaa marka arinta maxay Kula tahay.


 

Su'aal: Maxay Ku Kala Duwanyihiin Ama Ku Kala Gedisan Yihiin, Anti Bacterial Iyo

Started by Darmaan123Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 16122
Last post November 05, 2013, 10:51:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Terbinafine, terbisil iyo terminus maxay ku kala duwan yihiin?

Started by Suheyb AbshirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3985
Last post March 07, 2019, 08:05:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: maxay ku kala gedisan yihiin Dopamine & Tyrosine?

Started by BarkhatBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5923
Last post January 11, 2016, 04:22:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Jiarada TB da iyo calaamadaha lagu garto maxay yihiin?

Started by Awliyo128.cali.ccc.14Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7677
Last post June 01, 2016, 08:39:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qeybta danbe ee caloosha ay ku beegan yihiin kilyaha?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4973
Last post June 23, 2016, 12:29:12 PM
by SomaliDoc