Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maaxaa keena codkeyga oo naxuuso?

(1/1)

Ali Yare55:
asc marka hore waan idin salaamay dhaqaatiirta soomaliyeed
 salaan kadi aad baad uu mahadsan tihiin howsha aad uheysaan uma somaliyed

 waxaa doonayay in aan idin weydiiyo suaal

waxaan isku arkay xabeeb oo dadka idhahan codkaga ma maqalno mararka qaarne waxaan noqda sida qof shik shikagaya
 waxaan u tagay  sadax dhaqtar 3sadaxduna waxey iga soo shegen hal cudur oo ah hypothyroidism waxeyna iisooqoreen daawooyin waxbana kuma aan dheefin
wax yaabha aan dareemo waxaa kamida
dhanka wadnaha oo aan xanuun kadaremo
sidookale waxaan isku arkaa in afka urkiisa isbadalo haddan wax cuno ama wax yar aanjoogo
maalinti waxaan cadeystaa 2 jeer waxaana udaran markaan cuno malaayga
waxaan kaloo isku arkay wax cad oo fuula carabka qeybtiiisa dambe marmarka qaarne carabka dhan waxeyn
u daran yihiin markaan qaaato kaniiniga ay dhaqaatiirta iisoo qoreen
waxaa ka mid eh
Eltroxin 50 mcg
sdookale waxaan  dareema caajis madaax xanuun iyo kala goosyada oo ixanuuna
isidookale waxaan isku arkay dhanka feeraha oo kuusan ilaa yaranteyda sidaa ayaan ahaa

waxaan idinka sugayaaa jawaab
waana ku mahadsan tihiin shaqada aad uheysaan umada somaliyeed alle ha idinka abaal mariy

SomaliDoc:
Codka xabeebta leh waa astaan lagu garto cudurka "hypothyroidism", sababtuna waa xargaha codka sameeyo oo adkaado.
Isbadalka dhinaca codka horay lagama dareemo markaad daawada bilawdid, maxaa yeelay waa in xargihii sidooda ku soo laabtaan, marka waxaad u baahan tahay in aad daawada ku sabartid si jirka uu isku saxo maadaama jirka uu caadaystay muddane ay ka maqnayd hormoonka "thyroxine".
Wixii faahfaahin dheeraad ah ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version