Author Topic: Su'aal: Xanuun halka feedhuhu ka soo bilawdaan?  (Read 2815 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Southall

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanuun halka feedhuhu ka soo bilawdaan?
« on: February 15, 2017, 06:31:10 PM »
Ac dhamaantiin dhakhtrada iyo asxaabta kalaba waan salaamay salaan kadib dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa I xanuunta halkaa feedhuhu ka soo bilawdaan ee bakhtanka ah xanuunkuna wuxuu u kacaa dhank midig ee wareega dhabarka ah illaa dhabarka badhtankiisa ah qaybta bidixda inta badan xanuun iskagama arko naqaskaa I dhiba oo xitaa markaan cuntada bilaabo dhib badan baan kala kulmaa waxaa naqaska igu dhajija markaan meelaha lagu badan yahay ee tareemada ama basaska.fuulo xitaa markaan timaha jaranayo haddii aan meel dad joogaan tahay yaa allahu baan timaha ky jartaa xaako badan baan leeyahay oo xiliga aan cuntada cuno iyo subaxa hore markaan soo tooso ah baadhitaan dhawr mar baan tagay markastase negative baad tahay bay dhahaan please bal arinkygaa fiiriya.wcww






Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuun halka feedhuhu ka soo bilawdaan?
« Reply #1 on: July 24, 2017, 01:34:37 PM »
Qaabka laguu haayo waxaad u baahan tahay in waraysi dheeraad ah lagula yeesho, sababtoo waxaad ii sheegtay in baaritaan walba aad martay oo kulli lagu yiri "negative", marka waxaan filayaa in cilladaadu ay tahay wax loo yaqaano "Panic Attack" sababtoo ah qofka wuxuu dareemaa in feeraha uu culeys ka saaran yahay, neefsashada ayaa dhib ku noqoto, dhidid badan ayuu yeeshaa, cabsine wuu dareemaa khaasatan markuu galo meel buuq ah ama ciriiri ah.

Si waraysi dheeraad ah laguula yeesho, dhakhtarka toos ugala xiriir qeybta messages-ka ee Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33230
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32268
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23465
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41590
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29393
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc