Author Topic: Su'aal: madaxa ayaa waxaa iigaga soo baxay nabaro?  (Read 2888 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdullahimo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: madaxa ayaa waxaa iigaga soo baxay nabaro?
« on: February 17, 2017, 12:14:49 PM »
Dhakhtar mudo ayaan isku arkay xanuun waana kasoo kabsan la'ahay
Xanuunkaas waxa waaye madaxa ayaa waxaa iigaga soo baxay nabaro afka biyo kuwato markeey dilaacaan waxey isku badelayaan boog waxan isticmaalay daawooyin ee kamid yihiin Amoxcaliyne iyo boomaatada tatracycline skin ointment 3%
Waan ku bogsadaa balse xanuunka ayaa ah mid soo noqnoqonayaa fadlan i caawiya ama lambar aan idin kasoo waco ii reeba shaki badan ayaa igu dhashay qanjiraha dhuunta ayaa i bararay kansarka ayaan ka baqayaa inuu yahay ilaah iguma ridee




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: madaxa ayaa waxaa iigaga soo baxay nabaro?
« Reply #1 on: May 22, 2017, 11:20:07 AM »
Waxaa haboonaan lahayd in la arko nabraha nuuc ay yihiin, waxay noqon karaa mid ay keento jeermiska bakteeriyada, jeermiska fangaska ama nuuc allarjiga ka mid ah ama xanuun maqaarka basada ku dhacay, intuba isku daawo maahan way kala duwan yihiin.

Fadlan dhakhtar cudurrada maqaarka la xiriir ama noo soo dir sawirrada nabrahaas si aan talo kaaga siinno.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: