Author Topic: Su'aal: Sidee lagu garan karaa lafta jabtay inay bogsatay?  (Read 5829 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Su'aal: Sidee lagu garan karaa lafta jabtay inay bogsatay?
« on: February 18, 2017, 05:46:55 PM »
marka hore ilaahay baan u mahad celinayaa.  waxaan kale oo aad u salaamayaa, dhammaan diktoorada iyo hawl wadeenada caafimaadka ee bulshadeena u adeega. waxaan leeyahay aad baad walal u mahadsan tihiin. intaa ka bacdi 2 suaal baan qabaa, kuwaas oo ah.

1...sidee lagu garan karaa lafta jabtay inay bogsatay?.
2...suaasha kallena waa cartuurta marka lagu kabo bool (bolt) ama screw ma qasab baa in dib loo qalo oo birta ama boolka lagasoo saaro, mise waa loo dayn karaa?.
waad mahadsan tihiin wll




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee lagu garan karaa lafta jabtay inay bogsatay?
« Reply #1 on: May 23, 2017, 09:03:46 PM »
In laftu kabantay waxaa lagu fahmo in raajo ama sawir la saaro qofka, midda kale birta la galiyay nuuceeda ayay ku xiran tahay, qaar dib baa loo soo saaraa, qaarka kalane meeshooda ayaa lagu daayaa. Fadlan la tasho dhakhtarkii kabay cunugga, midda kale jab walba wuxuu leeyahay muddo loogu talagalay inuu ku kabmo, haddii aad ii sheegi lahayd meesha uu cunugga ka jaban yahay, waan kuu sheegi lahaa inta kabniinku uu qaadanayo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?

Started by AlkatraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 63980
Last post April 29, 2016, 09:52:03 PM
by SomaliDoc
Su'aal:- Qofku inuu Xannuunka Sonkorta Qabo Maka Dareemi Karaa Kaadidda Urkeeda?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34946
Last post January 06, 2012, 10:02:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106912
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64463
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: NAASAHA HAWEYNKA MAKALA DHEERAN KARAA SIDA CADIGA AH AMASE WAA JIRO?

Started by SuhuurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 96997
Last post April 08, 2011, 09:07:47 PM
by SomaliDoc