Author Topic: Su'aal: Waa maxay cudurka Cystic fibrosis?  (Read 3801 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Axmed Caydaruus

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay cudurka Cystic fibrosis?
« on: February 19, 2017, 09:01:03 PM »
Asc dr waa idiin salaamay aad ayaad ugu mahadsan tihiin wacyegelintiina joogtada ah alle kheyr ha idin siiyo ee waxaan rabay in aad inoo faa'ideysaan cudurka cystic fibrosis oo genetic disorders ka mid ah mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Cystic fibrosis?
« Reply #1 on: May 23, 2017, 05:48:27 PM »
Cystic fibrosis waa xanuun saameeya xubnaha jirka, waa xanuun hidde-raac ah oo la kala dhaxlo, wuxuu aad ugu badan yahay dadka cadcad.

Cilmibaarayaashu waxay sheegeen in cilladu ay ka jirto hidde-wade loo yaqaano "CFTR", kaasoo saameeyan ku yeelan karo qeybo badan oo jirka ka mid ah.

Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah:
  • Dhidid leh cusbo badan
  • Howlgab ku dhaco qanjirka ganaca "Pancreas"
  • Tubooyinka qarasta qaada oo xannibma.
  • Dheefshiid xumo
  • Caabuq sambabada oo soo noqnoqdo maadaama difaaca hawo mareenka uu khalkhala galayo.

Horumar badan kadib, hadda waxaa la awoodaa in xanuunkaan la ogaado iyadoo hooyada uur leedahay in uurjiifkeeda uu qabo xanuunkaan iyo in kale.

Qofka xanuunkaan qabo wuxuu u baahan yahay la socod joogto ah dhinaca caafimaadkiisa, weliba dhowor dhakhtar oo kala takhasusaat duwan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66947
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70101
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62949
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47488
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45740
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc