Author Topic: Xuquuqda Bukaanka Iyo Dhakhtarka (Dhacdo) !!  (Read 25302 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xuquuqda Bukaanka Iyo Dhakhtarka (Dhacdo) !!
« on: February 20, 2017, 05:36:09 PM »


Bismillah,

Waxaan maanta idiin soo gudbin doonaa cashar xambaarsan talooyin muhiim u ah haweenkeena u baahan inay dhakhtar la xiriiraan, waxaan kaga hadli doonnaa xuquuqda uu bukaanku leeyahay, waxyaabaha aad ka ogolaan karto dhakhtarkaaga iyo waxyaabaha ka mamnuuca ah inuu kugu sameeyo si aad uga badbaadid xad-gudub jir ahaaneed ama mid nafsi ahba.

Waxaa igu kallifay in aan idiin soo gudbiyo qoraalkaan cabasho qarsoon oon naga soo gaartay qof asxaabta ka mid ah, iyadoo sheegtay in ay la kulantay dhakhtar sheegtay inuu ku takhassusay cudurrada dumarka iyo madhalaysnimada, kadibne dhakhtarkii wuxuu u guda galay wiisiteyn iyo baaris jirka ah, wuxuuna bilaabay inuu ka taataabto ama ka salaaxo meesha dareenka ay ka helaan dareenka oo cawrada ku taallo, gabadhii way isku naxday, waxayne dhakhtarkii ku tiri: maxaad samaynaysaa? ma i xoogi rabtaa?, wuxuu ku jawaabay: isdaji, shahwadaada ayaan baarayaa..!!!
Gabadhii iyadoo shakisan ayay nala soo xiriirtay si ay u ogaato waxa dhakhtarka uu sameeyay inay wax ka jiraan iyo in shahwada dumarka la baaro iyo in kale?!!!.

Dabagal ay gabadhu samaysay iyadoo la kaashanayso dhakhaatiirta magaaladeeda ka howlgasho, waxay ogaatay inuu qofkaasi uusanba ahayn dhakhtar sax ah oo uu yahay xirfadle caafimaad oo ku shaqaysto dhakhtarnimo dumar.!!! Waxa uu ku kacayne maahayn wax caafimaadka shaqo ku leh, mana jirto wax la yiraahdo shahwo baaris dumarka lagu sameeyo, baaritaannada madhalaysnimada iyo uur qaadista waa waxyaabo kooban oo ay dhakhaatiirtu isla wada garanayaan. shawadane waxaa laga baaraa kaliya ragga.

Sheekadaan kore waxay ka tarjumaysaa dhibaato qarsoon, waxaana looga badbaadi karaa in aqoon loo yeesho, si looga taxaddaro.

Maadaama bukaanka xanuunsan uu daryeel bixiyaha caafimaad uu isku dhiibayo, amarkiisane uusan diidi karin waxaa dhacda in qofka aan akhlaaqda lahayn inay ku xadgudbaan bukaanka iyagoo ka faa'idaysanayo aqoon yarida bukaanka, la xisaabtan la'aan maadaama uusan jirin nidaam xoog leh oo tallaabo ka qaadi karo dadka noocaas ah, waxaa intaa sii dheer iyadoo ay jiraan xirfadlayaal badan oo dhakhtarnimo ku shaqaysto iyagoo aan wax aqoon ah u lahayn shuruucda caafimaadka iyo xuquuqda bukaanka iyo iyadoo dhakhaatiirta qaarkood ay isticmaalaan maandooriyeyaal taasoo keeni karto in falalka qaarkood aysanba ka war haynin.

Dhakhaatiirta badankood way ka fogaadaan khaladaadkaan, laakiin way jiraan kuwa aan ilaalin xuquuqda bukaanka, iyo kuwa dhif ah oo ku xadgudba bukaannadooda, sidaa darteed si aad uga fogaatid dhibaatadaan oo kale waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa 10 talo oo aad kaga badbaadi kartid dhakhtarka iyo kalkaaliyaha caafimaad ee dhaqanka xun:
  • Ha u tagin dhakhtar rag ah adigoo heli kara dhakhtar dumar ah, aqoonne u leh xanuunkaaga, aadne ku kalsoon tahay.
  • Ku dadaal in lagula socdo markaad dhakhtarka u tagaysid, khaasatan haddii cabashadaadu ay xanuuanda dumarka la xiriirto. In xaaskaaga uu kuu soo raaco xarunta caafimaadka waa arrin muhiim ah, laakiin ragga soomaaliyeed badankood dhaqan uma lahan arrinkaan.
  • Waa in dhakhtarka uu kaa idin qaataa markuu jirkaaga wiisiteynayo ama baarayo, haddii uusan ogolaansho kaa haysin kuma qasbi karo, haduu sameeyane waa xad gudub.
  • Waa inuu mar walba kuu sharxaa waxa uu samaynayo, adigane aadan ka xishoon in aad waydiisid waxa uu samaynayo. su'aal waydiintu waxay digniin u tahay in aan lagugu xad gudbin.
  • Waa inuusan dhakhtarka ka soo gudbin xadka bukaanka iyo dhakhtarka u dhaxeeyo, waa inuusan ku aflagaadaynin, waa inuusan faallo fiican iyo mid xunba uusan ka bixin dharkaaga iyo muuqaalka jirkaaga.
  • Haddii aad dhibsatid su'aalaha uu dhakhtarka ku waydiinayo ama aad u aragtid inay khaas kuu yihiin, dhib ma lahan in aad waydiisid sababta su'aasha uu kuu waydiinayo ama aad ka gaabsatid. dhakhtarkuna waa inuusan dhibsanin go'aamadaada ama uu kaa qanciyaa.
  • Waa qasab in qof ehelkaaga ah kula joogo haddii baaristu u baahato in lagu suuxiyo, way dhici kartaa mararka qaar in loo baahdo in lagu suuxiyo si loo sameeyo wiisiteynta qaarkeed, hadduusan jirin qof ehel ah waa in dhakhtarka uusan kaligii ehayn.
  • Waa in dhakhtarka uu kuu sameeyo ixtiraam iyo sir qarin, waxaadne ka ogaan kartaa qaabka uu kuu waraysanayo, qaabka uu kuu baarayo iyo meesha uu adeegga kuugu fidinayo, waa inay noqotaa meel bukaannada kale ka baxsan.
  • Haddii aad dareentid in wiisiteynta aysan shaqo ku lahayn cabashadaada, waxaad xaq u leedahay in dhakhtarka aad waydiisid, tusaale ahaan haddii dhuunta lagaa haayo, ma ahan in xaga hoose lagaa fiiriyo iyadoo baahi caafimaad aysan jirin.
  • Ku dadaal in aadan la imaan dhaqan ama tallaabo keeni karta in daryeel bixiyaha uu ku dhiirrado xadgudub.

Talooyinkaan iyo tusaalooyinkaan waxay kaa caawin doonaan inaad ka gaashaamatid in lagugu xadgudbo, hadduu xadgudub dhaco waa in aadan ka xishoon in aad la wadaagtid qoyskaaga, sababtoo ah ceeb, wajigabaxnimo iyo cabsi darteed ayaa badanaa arrimaha noocaan ah looga aamusaa, waxayna ku caawinaysaa qofka fal dambiyeedkaan galay inuu ku sii dhiirrado, bukaanno hor lehne uu dhibaateeyo.

Haddii aad u bogi waysid dhaqanka dhakhtarka aad u tagtay, boorsadaada horay u soo qaado, xafiiskane uga soo bax. (Ha ka xishoon inaad isbadbaadiso).

Haddii aad qabtid su'aalo la xiriiro qoraalkaan ama faahfaahin aad u baahan tahay, iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 75435
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Sidee ku ogaan karaa dhakhtarka aan u baahanahay?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 44103
Last post August 28, 2018, 09:54:57 AM
by Dawiil
Su'aal: Sideen suaalo ula wadaagi karaa dhakhtarka?

Started by DaganeeeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4607
Last post August 04, 2015, 09:57:08 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaa caadadu igu dhacdo aan ka daahirsado?

Started by Amran MarwoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3576
Last post May 27, 2016, 09:35:24 PM
by SomaliDoc
BARNAAMIJ CUSUB: DHAKHTARKA LA SHEEKAYSO.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 39630
Last post May 22, 2017, 11:25:23 AM
by SomaliDoc