Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waa maxay suuxidu?

(1/1)

Asmamohame:
Asalamu alaykum
Dr. waan miir beela oo anigoo taagan dhaca mudo 5 ila 10 minid ka bacdina waan soo miirooba
hadaba dhaqtar ayaan u tagay wuxu ii qoray daawada Depakine mudo 4 san ( Sodium valproate) mudo imika 2 sano ayaan qaadanayay mar mar iyo dhif ayaan xanuunki isku arka imikana cunaha ayaa i bararay dhakhtar ayaan tagay wuxu igu yidhi thyroadkaagu waa over active isna 2 dawo ayu ii soo qoray 1 inderal 40 mg iyo propylthiouracil.   hadaba  3 daas daawo ma isku cuni kara

igana jaahil saar xanuunka miir beelida keena iyo sida looga bogsado
waad mahadsan atahay

SomaliDoc:
Waad isku qaadan kartaa, cilladaaduna waa laba cudur oo kala duwan.
Cudurka 1-aad waa nuuc qallalka ka mid ah, halkaan ka akhriso faahfahintiisa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2246.0
Cudurka 2-aad waa kacsanaant qanjirka thyroid-ka, halkaan ka akhriso faahfaahintiisa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2246.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version