Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Markuu seexdo wuu jareeyaa?

(1/1)

Saciid Gurey:
Asc DR wiil yar oo aan dhalay oo 4 sano jir ah ayaa waxaa ku arkay markuu uu seexdo wuu jareeyaa maxay  tahay dhowr mar ayaa ku arkay

SomaliDoc:

Waa arrin dabiici ah oo caruurta iyo dadka waawaynba lagu arko, waana nooc dubaaxinta murqaha ka mid ah oo qofku sameeyo markuu hurdada sii geli rabo, waxaana afka qalaad lagu dhahaa "Hypnagogic jerks" ama "Sleep starts", waxyaabaha kiciyo jarayntaan waxaa ka mid ah qofka oo maqlo shanqar ama cod ama dareemo iftiin soo kordhay, dadka wayn badanaa markay jareentaan dareemayaan way soo naxaan iyagoo u maleeyo inay sariirta ama kursiga ka dhaceen, kadibne hurdada ayay sii wataan laakiin markuu qofka galo hurdo dheer badanaa ma dareemo jareyntaan.

Wax cillad ah oo arintaan loo saariyo ma jirto, laakiin waxaa la sheegaa in lagu arko dadka welwelka badan ama muddo aan hurdin ama si aad ah u daalan markay hurdo sii geli rabaan ama meel aysan ugu talagalin ku gam'o.
Akhriso cillad kale oo loo yaqaano "Sleep paralysis", taasoo qofku dareemo markuu hurdada ka soo kici rabo in feeraha looga fadhiyo, hadal soo saari karin, laakiin muuqaal ahaan soo jeedo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7649.0
Toos dhakhtarka ula hadal: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/

Navigation

[0] Message Index

Go to full version