Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Canaha Ilmaha Yar Lasiiyo?
(1/1)
Hafido:
ASC Doctor waanu idinkaga mahadnaqaayaaa Howsha adag ee aad uheysaaan Bulshada Soomaliyeed intaa Kadib waxan watay Sual Ah Somalia Saan wada ognahay Caanaha laga isticmaaalo dowlad ama cid kale oo xaqiijiso tayadooda malaha sidaaa darteed waxaan rabay inaad Macluumad dheer ah naga siiso Tayada Caanahaaan so socdo kuwaas oo inta badan laga isticmaaalo Somaaliya iyo kuwa ku haboon in Ilmaha lagu habo :
1. NIDO PLUS
2. NUNALAC
3. SIXA
4. ANKOR
5. APTIMAL
6. SMA
Shukran
SomaliDoc:
Ma garan karno tayada iyo farqiyada u dhaxeeyo caanahaan kala duwan sababtoo ah magacyada kuu muuqdo waa magacyo ay la baxeen shirkadaha soo sameeyay, laga yaabee inay isku mid yihiin ama kala duwan yihiin, waxa kaliya ee ogaan karo tayadooda iyo qaabka loo sameeyay waa warshaddii soo sameysay ama in xarumaha u qaabilsan tayo baarista cuntada inay shaybaar hor leh marsiiyaan.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version