Author Topic: Su'aal: Waa maxay faa'idada raqayga?  (Read 39937 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay faa'idada raqayga?
« on: March 11, 2017, 03:07:01 PM »
Waa maxaay faa'iidada raqay ga




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay faa'idada raqayga?
« Reply #1 on: June 14, 2017, 12:14:37 PM »


Bismillah,

Raqay ama Xamar waa miro dhanaan oo ka baxo dhulka ay badanaa soomaalidu dagto, waxay carabtu u bixiyeen "Tamar hindi" inkastoo isla magaciisii asalka ahaa ay u yaqaanaan "Xamar", ingiriiskane isla magacii carabta ay u bixiyeen "Tamarindi" taariikhdu waxay sheegtaa inuu asal ahaan raqaygu/xamartu ka soo jeedo bariga afrika iyo jasiiradda madagaskar, kadib ayay ku faafay dalalka sudan, masar, galbeedka afrika illaa iyo hindiya, kadib waxaa loo dhoofiyay jasiiradaha kiribiyaanka.

Raqaygu boqolkiiba 18% waa aashito khaasatan nuuca liin-dhanaanta, waana waxa u yeelayo dhanaanka siyaadada ah, waxaana kaloo ku jiro maadooyinka foosfoor, magniisiyam, kaalsiyam, cusbada soodiyam iyo fitamiinka b3.

Waagii hore boqortooyadii faraacinada ayaa sabab u ahayd inay ka dhoofiyaan dhulalka bariga afrika, waxayna u isticmaali jireen daawo ahaan khaasatan xanuunada caloosha ku dhaca, kadib waxaa hadana daabulan jiray boqortooyadii furus oo ka talin jirtay dhulka iiraan maanta loo yaqaano, kadib dhakhaatiirtii carabta sida Ibnu-siinaa, ibnu-baydaar iyo razi ayaa geedka raqayga faa'idooyinkiisa ka hadlay iyo xanuunadii ay carabta iskaga daawayn jirtay, waxayna sheegeen inuu mataga ka hortago, oonka u roon yahay, waxay kaloo ku daawayn jireen xanuunka xameetida ku dhaca.

Faa'idooyinkiisa Caafimaad:
Cilmibaarisyo dhowr ah oo lagu sameeyay midhaha raqayga waxaa la ogaaday waxyaabahaan soo socda:
  • Raqaygu wuxuu leeyahay awood qallajiye, wuxuuna dilaa jeermisyo kala duwan oo bini'aadanka ku dhaca khaasatan bakteeriyada.
  • Raqaygu waa calool jilciye degdeg ah, wuxuuna hoos u dhigaa aashitada caloosha.
  • Raqaygu waxaa ku jirto maado qandhada jibiso, shirkada qaarkood oo sameeyo daawada caruurta waxay ku soo daraan raqayga / xamarta.
  • Raqaygu wuxuu u roon yahay dheefshiidka, wuxuuna yareeyaa dibbirada iyo hawada badan.
  • Raqaygu wuxuu u roon yahay durayga / hergabka, wuxuuna furaa rabitaanka cuntada.
  • Raqaygu wuxuu yareeyaa lalabada, wuxuuna ka hortagaa mataga, wayna cuni karaan haweenka wallaca ah.

Raqaygu wuxuu si dhakhso ah ku baab'iyaa oonka, waana sababta ay umado badan u isticmaalaan xilliga soonka, wuxuuna cunnada u furaa qofka, wuxuuna yareeyaa daacada iyo dibbirada, wuxuuna hoos u dhigaa aashitada caloosha, sidaa ayuu ku noqday cabitaanka ugu haboon ee la cabo bisha Ramadaan.

Sidee cabitaan looga sameeyaa?
Qolofta ayaa laga siibaa, kadibne midhaha ayaa biyo lala dhigaa ama lagu karkariyaa, kadibne waa la qaboojiyaa markii la miiro kadib, sokor ama malab ayaa lagu darsadaa sidaas ayaana lagu cabaa.

Haddii aad u baahan tahay in dhakhtarka aad la kulantid, fariin ugu dhaaf boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 68075
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 71288
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 64107
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48624
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46711
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc