Author Topic: Su'aal: Waxaa i haysato hurdo xumi?  (Read 2806 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Karar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaa i haysato hurdo xumi?
« on: March 14, 2017, 07:15:09 PM »
Asc magacayga waa abdi mohamed  walaal dhakhatiirta sharafta leh ruuntii hawl adag ayaa dadka u haysaa wana ku mahadsantahiin

Waxaan rabaa inaan kula wadaago mudo ka badan halsano waxaa i haysay hurdo xumi ama hurdo la'aan markaan sariirta tago isla markiiba waan gam'aya ama waan seexanaya lakiin waqti yar kadib waxaa dareemaya inaan hurdin oo aan qarwaayo ilaa salada subaxa laga gaarayo mararka waxaa moodaa inaan hurdo laakin waabarigii waxaan daal xaddhaaf ah,  waxaan la kulmay dhaqtar neurologist baaritaan dheer buu igu sameeyey oo ka midtahay sleep study wuxuu isheegay  inaan qobo  wax ladhaho narclepsy  wuxuuna iqoray dawo ladhaho trazodone 50m  ka hor intana tagin sariirta,,

Walaal maxaa keena narclepsy  maxaaseblugu daweeya dAwo waa tii allah swt aad iyo aad baa u mahadsan tahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaa i haysato hurdo xumi?
« Reply #1 on: June 17, 2017, 01:49:08 PM »
U malayn maayo in Narcolepsy ku hayso, sababtoo ah dadka qaba cilladaan waxaa lagu yaqaanaa Hurdo badan, weliba haday la kulmaan meel dagan oo aan buuq lahay, hurdo iskama celin karaan, shaqada ayay ku dhex hurdaan.

Waa laga yaabaa markaas inuu qofka hurdada ku dhex qarwo ama ku dhex calwasaado, laakiin waxaa muhiim ah inuu qofka marka hore hurdadiisu ay tahay sida aan kor ku soo sheegay.

Daawada laguu qoray way ku caawin kartaa, maadaama ay maskaxda dajiso, sababtoo ah waxa ugu badan ee qofka hurdada ka qaso waxaa ka mid ah inuu qofku qabo isku-buuq ama welwel, taasi daawadu way kaa caawin doontaa, laakiin maahan daawo u gaar ah Narcolepsy.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah, waa in lagu waraystaa si loo ogaado cilladda rasmiga ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17400
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa igu yaallo buro "Fibroadenoma"?

Started by HabsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14008
Last post July 05, 2017, 01:34:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16752
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 62744
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15316
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc