Author Topic: Su'aal: Markaan saxaroonayo, shahwo ayaa iga timaado?  (Read 5518 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Xamze Mohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Markaan saxaroonayo, shahwo ayaa iga timaado?
« on: March 15, 2017, 08:24:46 PM »
Asc waan idin salamaya  salaan kadib aad ayan idinkugu mahad celinaya bahda barnamijka iyo dhaqtaraba Allah ha idinka ajir siiyo intaas  kadib dhaqtar waxan wataa dhowr sualood oo kusabsan xanuno an in muda ah i hayay wana sida tan

(1) dhaqtar waxan in muda ah kacabnayay  ila intan qan garey ila hada markii an saxaranayo mararka qaarkood in ay shahwo iga imado mid biya biya ahbo waxan kaloo isku arkay markii an riyona waxan arkaa marka udanbeyso oo biyaha iga sobixi rabaan inan hurdada kakaco oo aysan shahwadii iga imaanin intiii muda ah ayan saas aha dhaqtiir badan wan utagey wax ii shego ma arag cudurkas  wuxu yahy  daawo un iyo biya badn cab ayay leyihn wax infection ahna iguma shegan  dhaqtar hada arintii waxay isku badashay in markan saxaronayo aysan shahwadii iga imaanin oo ay yaraaty waxa kaloo igu bilodey xanun ama dikaan xaninyaha ah qeybta midig iyo bidixba waxan kaloo igu bilodey dhabar xanun qeybta danbe malaha kala goyska ah ay biyo yar cml wax galo noqdan dhaqatiir badn utagey oo melan jogey wagi hore wan kasotagey wax ii shego malahn ila mod uu iyiri guurso oo galmo samee  dhaqtar marka ila tali maxan sameya ila bisha 10 ayan jogaya wadankan kabacdi nairobi ayan usosocda wana kulakulmi marka dhaqtar adoo mahadsnid taladada ayan raba iyo cudurkan wuxu yahay   waad mahadsantihn hadad iga so jawabtan
(2) waxan qabaaa neef badan oo mararka  qaar iga imado xita ano salada kujiro an uga baxo waxan kaloo qabaa gaaska lala dibiro oo caloosha kudibireyso Alxmdulilah kaas daawo uma arag lkn anaa barty waxa igu kiciyo oo wan iska taxadara  sida gaajada iyo digirta iyo wax yalaha qamiirka leh sida canjerada  dhaqtar waxan karaba talo kusabsan neefta iga socoto xiliyada  badan wa mahadsantihn hadad iga so jawabtan
(3)dhaqtar waxan isku arkay kaadi badan oo isku xigto ilaa 7jeer 20daqiqo gudahood waliba markan jogo melaha qaboobaha oo an cabo shaax ee dhaqtar ariintasna talo karaba wana mahadsanatahy intas ayay  ku egyihn sualahayga waxan idinka sugaa jawab ficn asc




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Markaan saxaroonayo, shahwo ayaa iga timaado?
« Reply #1 on: June 17, 2017, 01:58:02 PM »
1- Shahwada timaado saxarada ka dib waa arrin jirta, horay ayaan u faahfaahinay ee ka akhriso qoraalkaan iyo waxyaabaha keeno intaba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2631.0.html

2- Midda ku saabsan hawada badan, waxaa keeni kara wax walba oo dheefshiidka cabburiyo sida cudurka gaaska , caabuqa mindhicirrada, kacsanaanta neerfaha mindhicirrada, allarjiga caloosha iyo laaktooska. marka in la kala ogaado ayaa muhiim ah.

3- Kaadida badan markaad tagtid meel qabaw, biyo cabitaankaaguna uu badan yahay waa arrin dabiici ah, in kaadi badan isku aragtid markaad wax macaan cabtid sida shaaha oo kale, waa inaad macaan iska baartaa. haddii kaadi badnida la socoto dhabar xanuun iyo qandho waa in kaadida laga baaraa infekshan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: