Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Xanuun cunaha la xidiidha?
(1/1)
Istahil:
Waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka
Asc wr wb
Salaan ka dib dre waxan ka cabanayaa cunaha
Dre cunaha ayaa maalmahan i xanuunaya mudo laba week ah waxaan ka dareemayaa cunaha qaybta hore ee qanjaha daal iyo culays sida marku qofku is ciil kaambiyo oo kale ama cadhada isku celiyo uu cunuhu u cabudho oo kale qanjidhada iyo meesha gidaarka cunuhu ay i casaadeen oo waxad moodaa in uu diirku ka baxay waxan kalo dareemaa kalxamaha ayaa i xanuunaya ilaa qoorta oo dhan margiyada ilaa dhagaha hoostooda cunuhu wuu i ololayaa oo kaar ayaa kaso baxaya afka kulul dhamaan qanjidhada cunaha ku hareeraysano dhami way i boodayaan markaan meel u yara lugeeyo waxay ii garaacayaan sida wadnuhu u garaaco marka la ordo kale markaa dre alle ayaa wax caawiyee iso caawi hadaad aqoon u leedahay markaa wax liqayo waaa caadi oo ima dhibayo
Waad mahad santihiin dhamaantiin
SomaliDoc:
Ilaahay ha ku caafiyo insha'llah.
Qaabka aad u dareemaysid xanuunka waxay u badan tahay caabuq dhuunta ah wuxuu ku dhici karaa quumanka ama qanjirrada kale.
Waraysi iyo wiisiteyn ayaad u baahan tahay ee fadlan dhakhtar la xiriir.
Akhriso qoraal ku saabsan caabuqa quumanka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1116.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version