Author Topic: Su'aal: Farqiga labada shahwo u dhaxeeyo?  (Read 11238 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Xasan Hussein

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Farqiga labada shahwo u dhaxeeyo?
« on: March 13, 2017, 07:29:47 AM »
asc. aad ayaad u mahad santihiin .      su'aasheyda 1 aad  maxey ku kala duwan yihiin shahwada caadiga ah iyo mida  timaada marka qofku hurdo ama riyadda  ku timaada  shahwada riyada ku timaada ma tahay mida caadiga ah mase wax ayey ku kala duwan yihiin shahwada qofka marka ow   gal moonaayo . 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Farqiga labada shahwo u dhaxeeyo?
« Reply #1 on: June 26, 2017, 09:53:58 AM »
Ragga wuxuu alle ku abuuray qanjirro la kala yiraahdo "Cowper's gland, Prostrate gland iyo Seminal vesicles"
Labada hore waxay soo daayaan qoyaan aan la socon xawada ama "sperm-ka" wax bacrimiya, laakiin qanjirka u dambeeyo ee "Seminal vesicles" oo ah laba qanjir oo yaryar waxay soo daayaa shahwada xambaarsan xawada "Sperms".

Haddii qofka uu riyoodo, kacsina la socdo, biyo-baxu waa kii dabiiciga ahaa oo shahwo ayaa la socoto "Sperms", laakiin hadduusan kacsi la socon, waxaa yimaada qoyaan aan shahwo lahayn oo ay soo daayaan labada qanjir ee hore "Cowpers' & Prostate", qoyaankaas waa midka khafiifka ah ee raggu isku arkaan markuu dareen galo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48015
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc
Waxa jirta in xaaska labada kilkilo ay kasoo baxeen wax buuran oo la moodo fiix

Started by Warsame11Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25914
Last post March 29, 2023, 09:10:56 PM
by Milica_soomali
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64958
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaa i xanunayo labada lafdheer ee u dhaxeeyso jilibka ilaa iyo qoobka?

Started by CadceedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 40345
Last post July 05, 2010, 10:34:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa isku argay cabur ka jiro labada duleel Ee sanka?

Started by AbdialiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 13743
Last post September 19, 2017, 12:17:25 PM
by CilmiSabca