Author Topic: Su'aal: Weelka Caagga ee (Take awayga Loo yaqaano)?  (Read 3245 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jama111

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Weelka Caagga ee (Take awayga Loo yaqaano)?
« on: March 25, 2017, 12:00:04 AM »
Asc Waan idiin salaamay dhamaantiin Ugu Horeyn Digtoorka Abdullahi Mahdi
iyo Dhakkaatiirta Kale Dhamaan
Waxaan Ini waydiinaya weelkan waraaqda Ka samaysan Ee ama Caaga (Take awayga Loo Yaqaano  Baan Wax Ku Cunaa Waxa Layiri Kansar Ba Laga Qaadaa Badana Marka Cuntada Kulul Lagu Rido  Maxaa Ka Jirkaa warkaa Mida Kale Saameyn Intee Le'eg Buu Ku Yeeshaa Caafimaadka Dadka Bacda Cuntada Lagu Rida Iyadana Ma La midbaa  Mahadsanidn su Aasha Kale Aan Ini waydiinayo Waxey Tahey paapta Ama Soorta Wadanka Aan Ku Noolahay Aad Baa Looga Cunaa horta Caafimaadka Way U Fiican Tahey Lkn Ilowshiyo Iyo Hilmaan Bay Ka Cawdaan Ama Sheegtaan Dadka Aadka U Cuna anaaba Arkay Markay Soo Cuneen Waa ilaawayaan Waxaad Shaley Ku Tiri Mise Dawo Kale Baa Lagu daraa Talow  Mise Khamri Bay Noqotay cuntadaasi
Hurdo Badana Waa laga Helaa Dr iiga Soo Jawaab Mahadsinidin 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Weelka Caagga ee (Take awayga Loo yaqaano)?
« Reply #1 on: July 02, 2017, 10:42:23 AM »
Waa arrin jirta, dhakhaatiirta qaarne way ka digaan in haddii lagu shubo cunno kulul weelal bac, baakad ama caag ka samaysan in kuleelkaas uu cunnada ku mili karo waxyaabaha qaar ee sunta noqon karo oo weelashaas laga sameeyay, waxayaabaha badanaa la sheego, aadne looga welwelo waa laba kiimiko oo weelashaas laga sameeyay sida: "melamine resin" iyo  "BPA ama phthalates". waxay cilmibaaryaashu sheegaan in kiimikadaas ay dhib keento ay u baahan tahay in qofka wax badan jirkiisa galaan, marka sidaas darteed hadduu qofka ka maarmi karo inuu ka fogaado ayaa habboon.

Su'aasha labaad ee ku saabsan soorta, iyada laf ahaanteeda dhib ma keento laakiin qaabka loo diyaariyay ama wax lagu daray ayaa sabab u noqon kara hilmaanka aad tilmaantay. Pap waxaa laga sameeyaa boorashka gallayda, waxayna caan ka tahay dalalka dhaca koonfurta Afrika.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14360
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan idin waydinaya waxa lo yaqaano xalus?

Started by Cayuush OmerBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3519
Last post June 01, 2016, 09:40:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan qaatay dawada loo yaqaano AMBAROZOL?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3839
Last post March 30, 2016, 04:41:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaaa ku soo badanayo cudarka loo yaqaano MDR TB?

Started by SaneetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2807
Last post April 24, 2016, 04:11:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa loo yaqaano jayna solti?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3215
Last post September 16, 2016, 07:13:05 PM
by SomaliDoc