Author Topic: Noocyadee bay xanuunnada maskaxdu yeelan karaan?  (Read 19307 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Noocyadee bay xanuunnada maskaxdu yeelan karaan?
« on: March 10, 2008, 04:08:29 PM »
Xanuunnada maskaxdu waxay yeelan karaan noocyo badan.
Kalimadaha la adeegsado si loo baaro waa weero caadi ahaan loo isticmaalo. Tusaale ahaan, niyad jab iyo isku buuqsanaan. Taasi waxay sahli kartaa in la fahmo, laakiin caadinnimadoodu waxay keeni kartaa in dadku ay sahladaan inta ay la egtahay khatartooda iyo curyaaminta ay xaaladahani mararka qaarkood keeni karaan.

Xanuunnada maskaxda noocyada ugu caansan qaarkood ayaa hoos ku qeexan.

Isku buuqsanaan (Anxiety)
Isku buuqsanaantu waxay keeni kartaa walwal aan jirin oo joogto ah oo raad ku yeelan kara dhinacyada noloshoo dhan. Dadku waxay dareemi karaan raaxo darro iyo hurdadoo aan u fiicnayn, waxay kaloo isku arki karaan calaamado muuqda sida garaaca wadnaha oo bata, calooshoo qasan, laleemo iyo muruqyadoo koga.

Argagax ku-soo bood ah (Panic Attacks)
Argaggaxa ku soo boodka ahi waa cabsi kadis ah oo si lama filaan ah ku bilowda. Calaamadaha waxa ka mid ah neeftoo gaabata, wadnaha
garaaciisa oo khalkhala, xabad xanuun, saxasho, cabsi iyo wareer.
Aragaggaxu waxuu dhici karaa waqti kasta taasina waa waxa uu kaga duwan yahay cabsida ka timaada khatar dhab ah.

Cabsida (Phobias)
Cabsidu waa baqdin aan sabab lahayn oo laga baqo xaalad ama shay khaas ah. Mararka qaarkood, cabsidu aad bay u xag jiraan ilaa ay ka
sababaan noloshoo dhan oo hakad galo. Cabsida nooyada caamka ah waxa ka mid ah cabsida xayawaannada, meelaha dheer dheer, duullimaadka iyo meelaha xiran. Khajilaadda (Agoraphobia) waxay sababi kartaa baqdin keeni karta in qofku guriga ka soo bixi waayo, isagoo ka cabsanaya inuu bannaanka u baxo.

Murugaysnaanta (Depression)
Murugadu waxuu assibaa dadka isagoo hoos u dhigaya furfurnaantooda, waxuuna u keeni karaa inay rajo go'aan, noloshuna aysan qiimo u lahayn, dhiiranaan la'aan iyo daallanaan. Murugadu waxuu keeni karaa dhibaatooyin xagga hurdada ah, cuntada, iyo isku kalsoonaanta. Waxuu khalkhaliyaa dadka awoodda ay u leeyihiin inay qabsadaan hawl maalmoodkooda waxuuna lug ku yeelan karaa caafimaadkooda.

Murugada waalida ah (Manic Depression)
Murugada waallida ah oo sidoo kale loo yaqaan bipolar disorder, waxay sababtaa in dabcigu qofku iska badalo murugo aad ah oo uu noqdo hiyi kac aad ah, firfircoonaan, fikraddo baahsan, anfariir, nuglaan, aaboyeel la'aan iyo iskoontarool la'aan ayaa dhici kara marka ay qofka qabato murugadan waalidda ah.

Isku dardaranka (schizophrenia)
Schizophrenia waa kalmad loo adeegsado si loo qeexo khaladaad sababa fakarka iyo fahamka oo qaloocda. Calaamadaha waxaa ku jiri kara
wahamka, maqalka waxaan jirin iyo buufiska. Dadku waxbay kala garan waayaan. Schizophreniadu waa xanuunnada maskaxda kuwooda ugu khatarsan mid ka mid ah waxayna si khatar ah u dhaawici karaan kartida uu qofku u leeyahay inuu nolol maalmeedkiisa qabsado.

1- Waa maxay xanuun maskaxeed?
2- Sidee loo baaraa xanuunada maskaxda?
3- Noocyadee bay xanuunnada maskaxdu yeelan karaan?
4- Waa maxay sababaha keena maskax wareerku?
5- Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa?
6- Maxay asxabtu iyo qaraabadu samayn karaan si ay kuu caawiyaan?
7- Sidee baan u hagaajin karaa caafimaadkayga xagga maskaxda?

Wixii su'aalo aad qabtid halkaan ku weydii


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxay Saaxiibadu iyo Reerku Samayn karaan inay i Caawiyaan?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 18160
Last post April 01, 2008, 01:56:07 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18418
Last post January 07, 2012, 02:02:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22755
Last post April 24, 2013, 01:33:28 PM
by CilmiSabca
Maxay asxaabtu iyo qaraabadu samayn karaan si ay kuu caawiyaan?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 14542
Last post March 17, 2008, 06:27:12 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidaan ma lagu gudbin karaan AIDska?

Started by HayaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8817
Last post January 08, 2011, 05:49:58 PM
by Pharmacist