Author Topic: Su'aal: Wajiga oo Qofka da'diisa Kaweyn?  (Read 59641 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jama111

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Wajiga oo Qofka da'diisa Kaweyn?
« on: March 26, 2017, 11:58:16 PM »
Asc Waan Idin Salaamay Wiil Yar Oo aan Adeer U Ahay Baa Wuxuu Jira 22  Wajigiisuna Aad Buu U wayn Yahey Macnaha Waxaad Mooda In da'diisa Iyo Wajigiisu Is Laheyn Wajiga kaliya Inkastoo Uu iska (face) Weji Wayn Yahey  Marka Qofka Oo Cimrigiisa ama Da'diisa Ka Horu Mara Maxaa Keena Ma dhaxal waalidkii Uu ka Dhaxleybaa (inheritence) mise Waa Cudur Oo Takhtar Buu u Baahan Yahey Dad Waxaa Jira Iyagoo Weyn Da'du U qarsoon tahay Iyo Mid Isagoo Yar Waji Ahaan Aad Moodo Inuu Nin Wayn Yahey Markaa Maxaad Kula Talin Laheyd Cunagaa, Mase Jiraan Daawooyin Loo qaato Ama kareemyo   
wajiga La Mariyo
Modify message




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wajiga oo Qofka da'diisa Kaweyn?
« Reply #1 on: July 06, 2017, 03:18:31 PM »


Bismillah,

Casharkaan waxaan kaga hadli doonnaa waxyaabaha keeno cimri degdegga ama in qofka uu ka hor duqoobo da'diisa.

Dadku isku abuuris maahan, way ku kala duwan yihiin muuqaalka, dad baa dhaxal ahaan dhakhso duqooba, dadne da'da kama muuqato, laakiin waxaa jira waxyaabo la isku waafaqsan yahay oo cimri degdeg qofka ku rido, ayna muhiim tahay in laga fogaado intii la awoodo, waxaana ka mid ah:
  • Cunidda Sokorta Badan: qofkii joogteeyo cunista sokorta, aadne u jecel waxyaabaha macmacaan, waxaa jirkiisa ku dhaco wax loo yaqaano "Glycation", tan oo dhaawac u geysato murqaha, seedaha iyo unugyada jirka khaasatan kuwa maqaarka, tan waxay keentaa in jirku yeesho laalaab, haddii aad macaanka jeceshahay ku dadaal khudrada iyo furutada, iskana ilaali sokorta.
  • Balwadda khaasatan Sigaarka iyo khamriga: waa la isku waafqsan yahay in sigaarku uu keeno cimri degdeg, taasi waxay ka timaadaa sunta sigaarka ee "Nicotine" iyo fitamiin yarida nuuca "C" oo badanaa ku dhacdo dadka sigaarka caba, kaasoo muhiim u ah difaaca iyo tayeynta jirka. haddii aad sigaarka cabtid, raac talooyinka link-gaan ku qoran si fududne iskaga jooji: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7377.0 sidoo kale cabista khamriga waxay toos u dhaawacdaa jirka, waxay waxyeellaysaa beerka, maqaarka, indhaha iyo xididada intaba.
  • Hurdo xumida / Hurdo yarida: Markuu dhafarka bato waxaa jirka ku bato hormoonka loo yaqaano "Cortisol", kacsanaanta joogtada ah ee hormoonkaan uma fiicna caafimaadka, wuxuuna keenaa dhiig-kar, macaan iyo duqnimo degdeg ah.
  • Borotiin yarida: dadka ku nool cunnada ay ku yar tahay borotiinka way ka hor duqoobaan dadka kale, sababtoo ah jirka bini'aadanka kama maarmo borotiinka, sidaa awgeed, isla jirka ayaa iscuna oo borotiin laga dhigaa, qofkane sidaa ayuu ku dhamaadaa ama ku duqoobaa, waa sababta caruurta nafaqo darrida hayso ay ugu muuqaal eg yihiin dad waayeello ah, meesha dadka ku nool hilibka, kalluunka iyo caanaha ay ka muuqaal yar yihiin dadka kale.
  • Welwelka / Niyad jabka: Fakarka badan, murugada iyo walbahaarka waxuu khalkhal galiyaa qeybsanaanta unugyada jirka sida lagu arkay dhowr diraasadood, taasi waxay keentaa in unugyadii aysan tarmin / kala qeybsamin, ayna ku dhacdo wax loo yaqaano "Premature cell death", tan waxay keentaa duqoobis degdeg ah. haddii aad la nooshahay xanuunka Niyad-jabka, ka faa'idayso casharkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=872.0
  • Qoraxda badan: dadka ku nool dhulalka kuleelaha oo haddane qoraxda ku shaqeeyo, way ka muuqaal wayn yihiin da'dooda saxda ah, waxaana taa lagu fasira in ilayska qoraxda uu lumiyo jiljilleeca maqaarka jirka taasoo loo yaqaano "Solar elastosis", maqaarkane wuu adkaadaa, wuxuunaa yeeshaa duuduub.
  • Adeegsiga murqaha wajiga: dad baa markay hadlayaan aad uga shaqeysiiya murqaha wajigooda si xad dhaaf ah, taasi waxaa loo yaqaanaa "Facial Mimicry", waana arrin qofka uu barto markuu yar yahay, markuu waynaadane uu la qabsado mana ahan wax la joojin karo, dadkaan iyagoo aan duqoobin ayay wajigoodii miidmiid yeeshaa, waxaana la moodaa inay duqnimo tahay.
  • Isticmaalka daawooyinka lagu qurxiyo jirka: dadka aad u isticmaalo makeup-ka ama daawooyinka lagu qurxiyo jirka dhakhso ayuu muuqaalkoodu isbadalaa, wayna ka hor duqoobaan facooda, maadaama waxyaabaha la marsado oo kiimiko ah ay isbadal ku sameeyaan maqaarka jirka ah.
  • Caajiska iyo Jimicsi la'aanta: sidoo kale qofka oo aan dhaqdhaqaaq lahayn, noloshiisane fadhi iyo inuu gaari ku socdo ay u badan tahay dhakhso ayuu ka hor duqoobaa faciisa, wuxuuna halis ugu jiraa xanuuno dhowr ah, akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadlay xanuunada casriga iyo sida ay dadka qaar ugu nugul yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6782.0
  • Fuuqbaxa iyo cabitaan yarida: jirka bini'aadanka wuxuu badankiis ka kooban yahay dareere, hadduu jirka ku yaraado biyaha waxaa isbadala muuqaalka qofka, waxaana ka muuqdo da' uusan qofka gaarin, ka baro link-gaan dhibaatooyinka laga dhaxlo biyo cabitaan yarida: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5971.0

Inta aan kor ku soo xusayba waxaa looga hortagi karaa in qofka uu si dabiici ah jirkiisa iyo caafimaadkiisa u daryeelo isagoo ku dadaalo cunnooyinka isku dheelli tiran iyo biyo cabitaanka, yareeyo macmacaanka, badsado borotiinka, ka fogaado mukhaadaraatka, sameeyo jimicsi dabiici ah sida socodka, orodka IWM, kana fogaado waxyaabaha kiimikada ee la isku qurxiyo.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0, laakiin haddii aad u baahan tahay inaad toos dhakhtarka ugala hadashid caafimaadkaaga, ka qeyb qaado baarnaamijka rukumashada adigoo "massage" noogu soo diro boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24658
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo in qofka dhaqso biyaha kaga yimaadaan?

Started by BadarcuneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13656
Last post November 21, 2011, 10:09:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haduu qofka xubin tiisa taranka ay tahay 13cm ama 5inch?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 15735
Last post March 25, 2016, 09:18:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xameytada oo dhagaxan gala maxuu qofka dareemi karaa?

Started by Filsan AliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 21208
Last post May 01, 2011, 09:49:05 PM
by Filsan Ali
Su'aal: Maxaa keeni karo shahwada oo dhaqsi ka imaata qofka?

Started by AnwarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21525
Last post July 10, 2011, 08:10:55 PM
by SomaliDoc