Author Topic: Su'aal: Markii qabowga lagalo bishimaha way i dildillaacaan?  (Read 4202 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Amranqaaali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
Su'aal: Markii qabowga lagalo bishimaha way i dildillaacaan?
« on: March 31, 2017, 12:45:52 AM »
Asc doctor waxa joga wadan qabow marki qabowga la galo bishimaha wey i dil dilacan sankane dhiig aya iga imado maxa sababay doctor mahasanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: markii qabowga lag alo bishimaha way i dildillaacaan?
« Reply #1 on: July 09, 2017, 09:07:28 PM »
Qabawga wato dabeesha waxuu qallajiyaa bishimaha iyo xuubka sanka ku jiro, taasina waxay keentaa in faruuryaha ay dildillaacaan, sankane uu qallalo, kaasoo keenayo in xididada yaryar ee sanka ku jiro inay dillaacaan oo sangoror kugu dhaco, waana arrin dadka badan ay isku arkaan.

Waa muhiim in aad afka daboolatid khaastan haddii aad u baxid qabow dabeel wato, midda kale waa inaad faruuryaha iyo sanka aad marsatid dufan sida saliida xabad sowdada ama macsarada waxay ka hortagaysaa qalleelka nuucaas ah.

Sanka hadduu ku gororo, raac talooyinka ku xusan qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1055.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: