Author Topic: Su'aal: Perianal fistula?  (Read 3952 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Sahal143

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Perianal fistula?
« on: April 01, 2017, 06:00:50 PM »
Asc dr waxan rabaa in aan ku weydiiyo mardhow ayaa qaliin la igu sameeyey perianal fistula ah meesha qaliinka way furan tahay marka aan saxroonayo saxaradu meeshii jidkale ayey u noqotey 13 malin ayaa laga jooga qaliinka markan isbitalka aadey waxay i dhaheen way is soo buixineysa marka
1.meesha ma furan ayey i dhaheen ani in ay furan tahayna waan ogahay
2.meel saas u furan ma is soo buuxineysaa
3.kaniini alfasalin 10 tablet kaliya ayey ii soo qoreen amoxicillin ma isticmaali karaa
4.mahadsanid  :'( :'( :'( :'( :'(




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Perianal fistula?
« Reply #1 on: July 14, 2017, 08:01:33 PM »
Fistula waa xanuun qalliin lagu daaweeyo, badanaa marinta khaladka ay ay saxarada soo raaci jirtay waa la furaa si aysan marin u noqon mar dambe, mararka qaarne waa la daariyaa hadday nadiif tahay.a

Daawada Amoxcillin waxay ku caawinaysaa kaliya markuu caabuq jiro, laakiin waxaa taasi kaaga muhiimsan inaad biyo kulul oo cusbu lagu daray aad ku fadhiisatid maalintii sadax jeer muddo 10 daqiiqo ah, tani waxay ka hortagaysaa caabuqa, meeshane way nadiifinaysaa. khaasatan waxaa fadhigaas la sameeyaa markaad musqusha ka soo baxdo oo aad xaajo gudatid.

Akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Fistula-da: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5618.0

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin intaa dheer, igala soo xiriir barnaamijka rukumashada ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Nabarka dabada kasoo baxo ee la dhaho FISTULA?

Started by Abdulkadir HajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9480
Last post February 02, 2016, 03:08:30 PM
by SomaliDoc
Free Course on Maternal Infections and Obstetric Fistula

Started by AdminBoard Scholarships and Opportunities

Replies: 0
Views: 312953
Last post October 20, 2015, 10:08:54 AM
by Admin
Su'aal: Sidee ula noolaan karaa Babaasiir iyo fistula?

Started by A/qadir AbdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4109
Last post November 10, 2015, 02:35:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Talo Qalliin - Anal Fistula?

Started by A/qadir AbdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6035
Last post August 27, 2015, 12:27:29 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Fistula ayaa la iga qaley?

Started by Hanad AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3690
Last post May 01, 2019, 08:06:13 PM
by SomaliDoc