Author Topic: Dabciga Madiidnimada iyo Mustaqbalka Qofka.  (Read 36051 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dabciga Madiidnimada iyo Mustaqbalka Qofka.
« on: April 01, 2017, 07:22:28 PM »

Bismillah,

Horay waxaan uga hadalnay dabciga af-gaabnimada ee loo yaqaano (introversion), haddii aadan horay u akhrisan, booqo link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7906.0

Maanta waxaan ka hadli doonnaa dabciga loo yaqaano ma-diidnimada, afka qalaadne lagu dhaho (agreeableness), waa dabci ilaahay ku abuuray dadka qaarkiis, waxaa lagu gartaa inay yihiin dad naxariis badan, caadifad badan, caawinaad badan, bixiyo ogolaansho iyo kalsooni aan shardi lahayn, waa "madiide" iyo "madiido".

Waa dad ku kalsoonaado qof walba oo ay la tacaamulaan, haday saaxiib noqdaan kuma sii jirto oo waqtigooda iyo juhdigooda way ku bixiyaan, uma arkaan culeys inay dad kale caawiyaan, waliba u dayacaan howlahooda iyo danahooda khaaska ah, taasi waxay ka qaadaan farxad iyo tamar badan.

Maadaama ay kalsooni buuxda siiyaan asxaabtooda iyo dadka ay la dhaqmaan, waxay aaminsan yihiin in iyagane sidaa loogu kalsoon yahay, sidaa darteed dadka waxay ula hadlaan si saraaxa ah oo aan gambasho lahayn, waxne ma qariyaan, taasoo mararka qaar keenayso in si qalad ah loo fahmo iyagoo wax xumaan ah aanan ula jeedin falka ama hadalka ay ku dhaqaaqeen.

Waa dad bixiya waxa ay heestaan, kamana fakaraan meesha ay ku bixinayaan iyo qaabka ay u bixinayaan, waxay jecel yihiin inay asxaabtooda la qeybsadaan mushaarkooda iyo wixii dhaqaale soo gala, waana dhaqan ay badanaa isku dagaalaan qoysaskooda iyagoo u arka inay umado kale u adeegaan ama shisheeye kalkaal ay yihiin, lacagtaasne uu isaga iyo iyagaba ay ka qadan yihiin. dabcigaan deeqsinimada iyo caawinta kama ahan is-tus-tus.

Maadaama aysan diidmo aqoonin oo ay iska ilaaliyaan wax walboo isku dhac keenayo, waxay diyaar u yihiin inay wax walba huraan si aysan asxaab la'aan u noqon, sidaa darteed waxyaabo badan oo aan dan ugu jirin ayay sameeyaan, taasoo badanaa dib ugu soo laabato una keento dhib, haddii lagala taliyo arintaas ama lagu canaantane isma difaacaan oo wax walba "Haye" ayay dhahaan, laakiin dabcigoodii ayay horay u sii wataan.

Waa dad la danqado dhibaatooyinka dadka kale, aadne ula murugooda, cudur daar walbane aqbalo, cafintane u sahlan tahay, ma ahan dad cuqdad ku abuuranto. kamana fakaraan inay daalan yihiin iyo inay howl ku jiraan ama u socdaan markii wax looga baahdo, wixii laga dalbado iyagoo faraxsan ayay sameeyaan.

Waa dad ka dhex muuqdo ololaha deeq aruurinta, caawinta, gurmadka iyo caawinta bulshada iskugu timaado xafladaha aroosyada iyo meelaha kalaba. waa dad wax loo dirsado, loona wacdo markii caawinaad loo bahdo.

Dabeecadahaasi waxay keentay inay yeeshaan asxaab badan, mid xun iyo mid fiican, waana dad aad bulshadu u jeceshahay maadaama ay leeyihiin dabciyo dadka soo jiito, laakiin waa dad dulman oo xuquuqdooda lagu tunto.

Maxaa ku kallifay inay sidaan sameeyaan?
Dabcigaan ma-diidnimada, qofka maskaxdiisa waxay dhibsanaysaa diidnimada, wax walbane inuu ogolaado ayuu farxad ku helaa, asxaabta badanne ku ilaashadaa, taas ayaa keenayso in qofka uu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo siduu asxaabtaas iyo farxadaas uu ka helayo u ilaashan lahaa isagoo u luminayo danahiisa guud iyo mid khaasba.

Taas waxay keentay in qofka uu horumar ka gaari waayo noloshiisa dhinaca shaqada khaasatan hadduu shaqo masuulnimo uu hayo, maxaayeelay shaqadii way dayacantaa, waxaana shaqada la maamulo am ku takri falo asxaabta ka ag-dhaw, sidaa darteed waxaa la yiraahdaa, dadka dabcigaan leh waa laga ilaaliyaa shaqooyinka maamulka la xiriiro aam shaqooyinka u baahan go'aan qaadashada ama wax sixitaanka ama xisaabinta iyo shaqooyinka ganacsiga iyo beec-mushtarka oo u baahan gorgortanka, waana sababta ay niyadjab uga qaadaan shaqooyinkaas haddii loo dhiibo, way isku dayaan shaqooyinkaas laakiin way ku fashilmaan.

Dhibaatooyinka kale ay ka dhaxlaan shaqooyinkaan waxay tahay in lagu shaqeesto oo awoodooda wax ka badan la saaro, mushaarkane lagu yareeyo maadaama aysan wax cabasho ah aysan la imaanaynin iyo iyagoo loo arko in shaqada ay hayaan inay ku yar tahay maadaama asxaabta la shaqaysa ay caawinayaan. iyagane waxay u arkaan shaqada badan ay qabanayaan inay caawinaad tahay, kana farxinayaan dadka madaxda u ah ay ka sarreeysa iyo kuwa la shaqeeyo, laakiin in muddo ah ka dib, waxay ogaadaan in lagu shaqeysanayay, waxayna ka qaadayaan niyad jab taasoo ka sii darayso maalinba maalinta ka dambayso maadaama aysan go'aan ka qaadan karin ama dabciga aysan badali karin.

Marka shaqooyinka nuucaas ah, waxay ku dambeeyaan in lagu shaqeysto ama in shaqada laga soo buriyo sababtuan waa shaqada badan oo xamili kari waayaan iyo qaladaad dhacay oo loo saariyo.

Shaqooyinka ay ku fiican yihiin:
Sidaa darteed waxaa la yiraahdaa dadka dabeecadahaan leh waxay ku fiican yihiin shaqooyinka la xiriiro bini'aadannimada iyo u adeegidda bulshada, loona yaqaano "Social work
" sida shaqooyinka kalkaalnimada, horumarinta bulshada, gargaarka, wacyi gelinta iyo baxnaaninta. waxay kaloo ku fiican yihiin shaqooyina la dhaqanka macaamiisha iyo soo dhawayntooda sida suuq-geynta, qaabilaadda IWM.

Kuwaasi waa tusaalooyin kooban, laakiin waxaa jira shaqooyin intaan ka badan oo dabciyadooda la jaanqaadi karo.

Waxay shaqooyinka nuucaan kaga badbaadayaan niyadjabka iyo cudurrada la xiriiro. Waxayne noqonayaan dad wax u qabtay bulshadooda, faa'ido badanne u soo hoyay naftooda, abuurtayne mustaqbal ay hiigsan karaan.

Sidee loola dhaqmaa dadkan?
  • Dadka dabeecadahaan leh kama ahan ajar ku raadso ama naftaada iyo maalkaada u hur saaxiibadaa ilaahay dartiis ee waxay ka tahay dabci, sidaas ayay farxad ku dareemaan, kagana hortagaan in la naco ama saaxiib ku waayaan, sdiaa daraadeed waa in aad iska ilaalisid in aad xaqooda cuntid ama ku daneesatid taasoo si sahlan dambi kaaga soo raaci karo.
  • Ogow dadkaan ma ahan daqomo oo caqliga ku yar yahay, waa dad alle siiyay maskax fiican laakiin dabcigooda ayaa ka xoog badan, sidaas ayayna ugu muuqdaan dad laga caqli badan yahay maadaama dantooda aysan garanayn, marka qaabka aad ula dhaqmaysid iyo khaladaadka aad ka galaysid wuu dareensan yahay, laakiin ma jeclo inuu ka hadlo ama kaa diido si uusan qalbigaaga u dhaawicin.
  • Maadaama naftoodu ay tahay waxa ugu dambeeyo oo ay ka fakaraan, waxay u nugul yihiin cudurro badan oo ka dhasho daalka, hurdo la'aanta iyo welwelka, sidaa awgeed hadduu xanuunsan yahay, lagama yaabo inuu shaqo fasax ka qaato ama uu dhaho "waan xanuunsanahay, ma qaban karo howshaan", marka iska ilaali xuquuqdooda.
  • Haddii aad leedahay saaxiib dabeecadahaan leh, ku dadaal sidaa u xajisan lahayd, ugana ilaalin lahayd niyad-jabka, isagane ilaalin lahayd xuquuqdiisa, sababtoo ah maanta dunida ma jiro qof intaa kuu samaynayo si bilaash ah.
  • Qofka dabcigaan leh waxaa haboon inuu guursado qof ka dabci duwan si guriga uusan uga dhumin dheelitirnaanta, caruurtane u helaan tarbiyo dhexdhexaad ah.

Qofkaas dabcigiisa ma badali karo miyaa?!
Dabciyada waxaa loo kala qaadaa laba: mid waad ku dhalatay, midne waad kasbatay. waxaadne ka ogaan kartaa dhaqanka iyo taariikhdiisii hore, haddii ay tahay dabci aad kasbatay nolushu way kaa baddali kartaa, laakiin haddii ay tahay mid aad ku dhalatay way adag tahay in qofka iska badalo ama laga badalo. waana sababta qoysaska qaar ay quus uga taagan yihiin caruurtooda dabeecadahaan leh.

Haddii aad su'aal qabtid ama faahfaahin dheeraad ah aad u baahan tahay, iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24668
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo in qofka dhaqso biyaha kaga yimaadaan?

Started by BadarcuneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13657
Last post November 21, 2011, 10:09:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haduu qofka xubin tiisa taranka ay tahay 13cm ama 5inch?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 15740
Last post March 25, 2016, 09:18:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xameytada oo dhagaxan gala maxuu qofka dareemi karaa?

Started by Filsan AliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 21209
Last post May 01, 2011, 09:49:05 PM
by Filsan Ali
Su'aal: Maxaa keeni karo shahwada oo dhaqsi ka imaata qofka?

Started by AnwarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21534
Last post July 10, 2011, 08:10:55 PM
by SomaliDoc