Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Culeys ayaa laabta iga saaran?
(1/1)
Southall:
Ac waan idin salaamay salaan kadib illaa muddo 16sano laga joogo ayaa waxaa culays iyo cidhiidhi iga saaraan jiray laabta dulqaad yari concentration la,aan walbahaar markasta I haya dhinacaa midigta illaa dhabarka oo sidii isagoo muruq igu jiro xanuun badan aan ka dareemo naqaska oo I dhibi jiray meelaha cidhiidhiga iyo tareemada markaan raaco oo aan diiqad dareemi jiray dhawr mar ayaan dhakhtar tagay markasta dhib kuma hayo unbay dhahaan hadaba habeen dhawayd unbaa anoo shaqo ku jira naqasku dig igu yidhi GPga ayaan.tagay wuxuu I.baadhay ma jiro aniga ayaa symptomska I haya googleka ka baadhay waxayna iila ekaadeen Anxiety waxay ii qoreen laba kiniin oo midna la dhaho half beta prograne 20mg iyo fluoxatane 80mg ilaa sadax wiig waan isticmaalayay wax saamayn ahse wali kuma hayo talaan idiinka baahanahay please jazaakumullaahu khayr.
SomaliDoc:
Sida ka muuqato cabashadaada waxay cilladaadu u egtahay "Generalized Anxiety Disorder -GAD" ama "Panic Attack", labada daawo ee aad qaadatay waa kaalmaati, haddii aad wax iskaga garan waysay waa in lagugu badalo kuwa kale.
Akhriso qoraal ku saabsan "GAD": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5865.0.html
Akhriso qoraal ku saabsan "Panic Attack": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3610.0
Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah iyo farqiga u dhaxeeyo daawooyinka loo isticmaalo, igala soo xiriir barnaamijkeena cusub ee Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/
Navigation
[0] Message Index
Go to full version