Author Topic: Su'aal: Layliga Yoga & Xoojinta Aragga?  (Read 2608 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Sayid

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Layliga Yoga & Xoojinta Aragga?
« on: April 04, 2017, 08:21:01 PM »
Asc wr wb. Dhammaan salaan suubban ayaa ku salaamayaa dhakhaatiirta sida mutadawacnimada ah u hawl gala mareegtan qiimahan badan ee Somalidoc uguna adeega bulshadooda kala duwan ee ku kala nool daafaha adduunka. Sida oo kale waxaan salaan iyana aan u dirayaa  bulshada soomaalida ah ee sida joogtada ah ugu xidhan mareegtan ee ka faa'iideysta.

Intaa ka dib dhakhaatiirta waxa aan wayddiin lahaa su'aal. Maadama ay dadkeennu aad u dawaadaan Tv-yada sida oo kalena ay u u isticmaalan mobileda oo iftiin iyo shucaac badan soo daaya, kaasoo waxyeello badan u geysta dhanka awooda aragga ee indhaha amaba  indhaha u  sababa daal iyo daciifnimo saameesha taas oo khatarteeda leh. Marka aad arrinkanna daawadiisa ama soo celinta aragga aad raadiso waxa aad arkeysaa iyada oo lagula talinayo in aad sameyso 'Layliga Yoga ee Xoojinta araga"  taas oo aad loo sheego inuu awoodda aragga iyo daalkaba uu xal u yahay marka layligan la sameeyo.

Hadda ba su'aasheydu waxay tahay: layligani ma yahay mid aan khuraafaad ahayn oo la aqoonsan yahay? Hadduu jiro faa'iido intee leeg ayuu laga heli karaa isticmaalkiisa, mase leeyahay khasaare  saameeya   qofka isticmaala?

Linkgan ayaa ka hadlaya layliga aan ka hadlaayo: http://www.improveeyesighthq.com/eye-yoga.html

Waxaan rajeynayaa inaad iga jahli saari doontaan su'aashan. Mawle ha idin dhawro mahadsanidiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Layliga Yoga & Xoojinta Aragga?
« Reply #1 on: July 17, 2017, 12:35:12 PM »
Waad ku mahadsan tahay su'aashaada ku dhisan cilmi kororsiga..

Jimicsiga indhaha waa arrin jirta, dhakhaatiirtu qaarne way adeegsadaan laakiin waxa loo adeegsanayo ayaa xaddidan, wayna ka duwan tahay midda Yoga, indhaha waxaa ku jira murqo aad u yaryar oo hoshoodu tahay inay isha dhaqdhaqaajiyaan, kontaroolaan waynaanshaha iyo yaraanshaha bikaacda ama cadasada isha, hadduu mruqahaas wax gaaraan, aragga fog ama aragga dhaw ayaa daciifo, sidoo kale dadka weershaha ah ama qaba xanuunka squint-ga iyagane waa loo adeegsadaa, laakiin midda aad tilmaantay oo ah in araggii uu awood yeelanayo oo dhaawacii iftiinka badan uu gaarsiiyay ay ka baaba'ayso, maahan arrin cilmi ahaan loo xaqiijiyay ama la isku waafqsan yahay, hal mid waa laga yaabaa taasoo loo yaqaano "Eye fatigue" taasoo ka dhalatay waxa loo yaqaano "Eye strain" oo ah in dhaha joogto loo isticmaalo, kadibne ay daalayso, taasi weli salka waxay ku haysaa awoodda murqaha indhaha oo daciifayo, qofkane indhaha ayuu ka daalayaa sida aad ka arki kartid diraasadaan: https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC4932063/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Dhibaatooyinka Aragga (Vision Problems)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Indhaha

Replies: 0
Views: 40686
Last post April 09, 2008, 12:42:46 AM
by SomaliDoc
Lumista Aragga (Vision Loss)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Indhaha

Replies: 4
Views: 57759
Last post January 19, 2015, 02:24:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dareemaa aragga oo iga sii lumaya?

Started by Khaalid YusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4092
Last post January 13, 2015, 01:03:24 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Is bedelka cabirka muraayadaha aragga?

Started by MadruudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 2585
Last post July 19, 2020, 09:59:37 PM
by Madruud