Author Topic: Su'aal: Ismoodsiis ama waxaan jirin sawirasho?  (Read 3188 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Adan Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ismoodsiis ama waxaan jirin sawirasho?
« on: April 04, 2017, 09:23:11 PM »
Asc bahda Caafimaadka ee ee umadooda u adeega sida wanaagsan waxaan idin leeyahay ilaahay ha idinka abaal mariyo wanaaga aad u haysaan umada soomaaliyeed.
waxaam jiraa 30sano, waxaan ahay nin aan balwad iyo xumaan kale waligiis aaan soo marin waxaan ku noolahay Somaaliya.
suaashayda waxaan rabaa 2dan tusaale inaan kusoo koobo
1.gabar qaldan ayaaa laga yaabaa inaan meel xun arko waxaa laga yaabaa inaan moodo inay tahay qof aan shukaansanayay oo  mustaqbalka ka rabo waxaa dhici karta in gabadhaa meesha qaldan aan ku arkay inaysan u ekayn qofta aan la sheekaysto laakiin anaa iska dhaadhicinayo inay tahay qoftii aan mustaqbalka ka rabay taas waxay igu keentaa murug badan oo gaartay inaan isaga tago gabdhii wanaagsanayd.
2. mararka qaarkood wax xumaan ah oo aan samaynin ayaan iska dhaadhicayaa inaan sameeyay taas oo dhib iyo wal wal igu abuurto.
3.mararka qaarkood waxa aan xaqiiq ahayn ama meesha oolin ama jirin ayaa qalbiga iga soo dhaca taas oo run u qaato inay tahay
astaamaha noocaas ayaan isku arkay ilaa 2009kii marka cudurka noocaas ah maxaa loo yaqaanaa maxaana xal u ah





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ismoodsiis ama waxaan jirin sawirasho?
« Reply #1 on: July 17, 2017, 12:46:45 PM »
Cudurka nuucaas ah waxaa loo yaqaan Shakki iyo waswaas, afka qalaadne lagu dhaho "Delusions", hadduu shakkigaaga bato waxay saamayn kartaa noloshaada, waxaadne qaadanaysaa go'aanno aad ku degdegtay taasoo shallayto isu baddali karto, xanuunkaan shakkiga akhiiran wuxuu isu badalaa niyadjab iyo inaad bulshada ka go'did, haddii ay astaamahaan isa soo taraan waxaan kugula talin lahaa inaad dhakhtar cilminafsiga la xiriirtid si lagaaga caawiyo, quraanne isku akhri, Allane ka bari inuu xanuunka kaa qaado.

Caafimaad ayaan kuu rajanayaa, haddii aad u baahan tahay in si gooni ah laguu waraysto, talane laguu siiyo nagala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25787
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47874
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29425
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24790
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35246
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc