Author Topic: Iska baro Astaamaha Burcadda Caafimaadka.  (Read 36541 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Iska baro Astaamaha Burcadda Caafimaadka.
« on: June 30, 2016, 05:27:26 PM »


Bismillah..

Waxaan qoraalkaan maanta uga hadli doonaa dhibaato bulshadeena ku badan oo aysan u muuqan xal dhaw oo arintaan lagaga hotagi karo.

Dhibaatadaasi waa burcadda caafimaadka, waxay isugu jiri karaan:
  • Kuwa dhakhaatiir sheeganayo oo xarumo daryeel caafimaad furtay.
  • Kuwo daawo bug ah iyo mid dhacday wadanka gancasi u keeno

Maadaama ay adagtahay in dadkaani wax laga qabto, waxaa waajib ah in dadka laga wacyi galiyo loona tilmaamo khatarta ay keeni karaan qolooyinkaan,  sida aad ku aragteenba sheekooyinkii ay asxaabta nala wadaageen.

Qoraalkaan waa wacyi galin ku aadan arrintaan annagoo ku soo gudbin doonno 10 astaamood oo aad uga shakkin kartid in aad burcad caafimaad la kulantay:
  • Waraysi iyo wiisiteyn la'aan: Dhakhtarka bugta ah waraysi iyo wiisiteyn toona kuma sameeyo bukaanka, uma arko waraysiga iyo wiisiteynta inay muhiim u tahay garashada xanuunkaaga ama wuxuu u arkaa inay aqoon darri ku tahay inuu su'aalo badan kaa waydiiyo xanuunkaaga.
  • Qalab wax kasta sheegayo: Waa qalab ay adeegsadaan dhakhaatiir isku-sheegga, iyagoo dadka masaakiinta ah uga gurto lacago badan, ogow ma jiro qalab waxkasta sheegi karo mana dhici karto waqtigaan la joogo in xanuunka jirkaaga ku jiro lagu ogaan karo in faraha ama gacmaha laguu galiyo qalab caafimaad, haddii aad maqashid computer wax kasta sheegaayo ayaa la keenay, taasi waa been iyo kutirikuteen cad.
  • Daawo wax kasta daaweynayso: Sheekadaan iyadane way xeelad kale oo ay adeegsadaan burcadda caafimaadka in lagaa gado hal daawo oo la leeyahay cudur kasta way ka saartaa jirka, Waa in aad shakkisaa haddii aad maqashid daawo wax kasta loo isticmaalayo.
  • Xayeysiinta aan kontaroolnayn: qolooyinkaan waxay aad u adeegsadaan idaacadaha iyo TV-yada iyagoo ka xayaysiiya qalabka iyo daawada "sheekul-kulli-ga ah" oo wax kasta lagu baari karo, waxkastane lagu daaweyn karo, sida la wada ogyahay dunida waa ka mamnuuc in TV-yada laga xayaysiiyo daawooyinka illaa in la soo marsiiyo hay'adaha kontaroolo daawooyinka mooyee, laakiin dalkeena waxaasi kama jiraan, haddii aad lacagta xayaysiinta iska bixin kartid, wax kasta waa laguu xayaysiinayaa, tan waxay keentay in dadku ay si sahlan ku aaminaan waxii laga sheego warbaahinta, haddii aad aragtid daawo xayaysiin lala daba joogo, waa in aad ka shakkidaa.
  • Daawada iyo Cudurka aan islahayn: Haddii cudurka laguu sheegay in lagaa helay iyo daawada laguu qoray ay islahaan waayaan markii aad dhakhtar kale ama faramshi kale tustid, ogow in aad burcad caafimaad gacanta u gashay, waa arrin badanaa dhacdo in daawo ganacsi loo keenay in dadka loo qoro, iyadoo xanuunka ay ka sheeganayaan aysan shaqo ku lahayn.
  • Daawo aan xad lahayn: Waxaa kaloo shakki ku galin kara markii laguu qoro daawo soconayso bil iyo wax ka badan, Ogow daawooyinka qallajiyayaasha badankood waxay socdaan 1 usbuuc illaa 2 usbuuc, kuwa badanaa la qoro bil iyo waxa ka badan waa "supplements" sida fitamiinada iyo wixii la mid ah. waxaa laga yaabaa in aad aragtid daawo "Antibiotic" dhowr bilood soconayso in dadka oo idil loo qoro, taasi waa burcadnimo caafimaad.
  • Qaabka daawada loo qaadanayo: Burcadda caafimaadka ee ganacsiga u timaado wadanka, daawooyinka ay qorayaan kuma xirno  da'da bukaanka, qaabka loo qaadanayo iyo xaaladda caafimaad uu qofka ku sugan yahay, tusaale: caruurta, dadka waawaynn, hooyda uurka leh, dadka qabo xanuunada wadnaha, beerka iyo kilyaha - Intaasba uma fiiriyaan daawada la qorayo oo waa laga gadaa.
  • Waxyeellada daawada: Waxyaabaha kale oo aad uga shakkin kartid burcadda caafimaadka waxaa ka mid ah in daawadooda lagaaga dhigo mid aan waxyeello lahayn "No Side effects", sida la ogyahayne daawo aan waxyeello lahayn ma jirto wayse uun kala daran yihiin, waana muhiim in laga qaato xaddiga iyo waqtiga loogu talagalay si waxyeelaldaas aysan kuu saamaynin, Haddii aad maqashid daawo la leeyahay waxyeello ma lahan waa in aad ka shakkisaa.
  • Calaamadaha Muhiimka ah: waa waxyaabo qof kasta oo isbitaal ama xarun caafimaad yimaado ay qasab tahay in laga fiiriyo inta uusan dhakhtarka la kulmin, tan waxay fikrad guud dhakhtarka ka siisaa caafimaadkaaga, waana muhiim, waxaa ka mid ah: heerka cadaadiska dhiiggaaga, heerkulkaaga, xaddiga neefsashada, wadna garaacaaga. Haddii aad dhakhtar lambar u goosatay waa in waxyaabahaan lagaaga fiiriyaa si bilaash ah maadaama aysan shaybaar shaqo ku lahayn, burcadda caafimaadka waxaa lagu yaqaanaa in badankood aysanba samaynin waxyaabahaan ama in lacag lagaaga qaado eegista calaamadaha muhiimka ah (Vital Signs).
  • Dkhtarka farmashiistaha ah: burcad dhakhtareedka waxaa lagu yaqaanaa in sheekadiisu u badan tahay faa'idada daawada uu kaa gadayo iyo dadka ku caafimaaday sheekooyinkooda, dhakhtarka dhabta ah waa in waqtiga ugu badan uu ku bixiyaa inuu bukaanka u sharxo xaaladiisa caafimad iyo baaritaanada lagu sameeyay wixii ka soo baxay, haddii aad aragtid dhakhtar daawo uun ka sheekaynayo, warbixinne aan kaa siinaynin xanuunkaaga iyo baaritaannadaada waa in aad ka shakkisaa.

Ka taxaddar waxyaabahaan oo dadka badanaa ku qaldamaan:
  • Isbitaalka: dad baa waxay tayada isbitaalka ku qiimeeyaan muuqaalka guud, ogow hadduu isbitaalka qurxan yahay taasi macnaheedu maahan in daryeel tayo leh aad ka helaysid ama dhakhtarka fadhiyo iyo daawada taallo ay tahay mid dhab ah.
  • Dhakhtarka: da'da iyo labiska dhakhtarka ma ahan astaan lagu ogaan karo aqoontiisa iyo dhab ahaantiisaba, sidoo kale hadduu ajnabi yahay macnaheedu maahan inuu dhakhtar sax yahay ama ka aqoon badan yahay kan soomaaliga, waxaane kuu xaqiijinayaa in ay wadanka joogaan ajaanib dhakhaatiir ku shaqeysato oo aan dhakhaatiir ahayn iyo kuwo takhasus aysan lahayn sheegto oo aan waxba ka jirin - kuwaan waxaa wadanka keeno badanaa burcadda caafimaadka si masaakiinta loogu marin habaabiyo lacagtane looga aruursado.
  • Warbaahinta: wax kasta oo warbaahinta ka baxo in aad sideeda u qaadatid maahan khaas ahaan wixii ku aadan xayaysiinta caafimaadka sida dhakhaatiirta, qalabyada iyo daawada la xayaysiiyo maadaama wadanka aysan ka jirin hay'ad kontaroosho tayada daawooyinka iyo xayaysiinta caafimaad.
  • Qiimaha daawada: dad badan ayaa aaminsan in daawo kasta midda ay ka lacag badan tahay inay ka tayo fiican tahay, waana arrin ay aad uga faa'idaystaan burcadda caafimaadka, waa khiyaano ay adeegsadaan in daawada qaali laga dhigo si dadku u aaminaan inay magaca ay wadato ay u qalanto lacagta lagaa qaadayo.!!

Waa laga yaabaa in aan ka tagay qodobo kale oo ku saabsan qoraalkaan laakiin wixii aan soo xasuusto gadaal ayaan kaga dari doonaa, Haddii aad ka shakisan tahay xarun aad u doonan lahayd daryeel caafimaad, ka warayso dhakhtar aad ku kalsoon tahay oo magaalada kula nool ama horay u kaxayso qof aqoon caafimaad lahe xittaa hadduu yahay arday caafimaad oo marxladda tababarka isbitaalka ku jiro, way fahmi karaan astaamaha burcad caafimaadka markay la kulmaan.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid noogu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: