Author Topic: Dabciga Isxakamaynta iyo Wada Noolaanshaha!  (Read 25529 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dabciga Isxakamaynta iyo Wada Noolaanshaha!
« on: April 06, 2017, 04:10:54 PM »

Waa casharkii sadaxaad ee aan kaga hadlaynay dabciyada aan badanaa aqoonta loo lahayn, waxaana maanta ku soo qaadanaynaa dabciga loo yaqaano "is-xakamaynta". qofka iska leh dabcigaan waxaa lagu yaqaanaa foojignaan, qorshayn, caaboonaan iyo nidaam. waxaa dabcigaan afka qalaad lagu dhahaa "Conscientiousness", waa dabci faa'ido u leh qofka Alle siiyay, laakiin isku-dhac ayuu badanaa u keenaa. dadka dabcigaan leh waxaa la ogaaday in qeyb ka mid ah maskaxdooda loona yaqaano "Anterior cingulater cortex (ACC) ay aad u shaqayso, qeybtaas oo bini'aadanka u xilsaaran urursanaanta, kala-dambaynta, qoryshenta, xisaabinta, foojignaanta iyo falaanqaynta dhacdoooyinka.

Waa maxay dabeecadaha dadkaan?
  • Shaqo badnaan: dadka dabcigaan leh waa dad shaqada aad u jecel, qaarkood waxaa loo yaqaanaa "workaholics" oo ah dad shaqada ku waalan, waxay jecel yihiin wax walba inay hagaajiyaan oo sidii loo rabay u sameeyaan (perfection) sidaa darteed waqti badan ayay ku bixiyaan, wayna neceb yihiin in shaqadooda oo qabyo ah ay ka tagaan waxayna u huraan hurdo iyo hoyaad, saas ay tahayne ma jeclo in shaqada lala qabto oo loo sheegsheego ama loo tilmaamo, sababtoo ah qaabka ay u rabaan in laga qaldo ayay ka nacayaan. Waa in shaqada ay hayaan meel ku hubsadaan inta aysan shaqo kale bilaabin.
  • Waa dad jecel nidaamka iyo is-ururinta, wayna neceb yihiin kala daadsanaanta iyo isku-dhex-yaaca, tusaale ahaan haddii aa booqatid meesha ay dagan yihiin, wax walba way isdul saaran yihiin, lagama yaabo in aad aragtid alaab ama dhar meel daadsan, kabaha meel gooni ah ayaa la dhigaa, shanlada, saliida, cadayga iyo qalabyada kale ay isticmaalaan meel ayay leeyihiin, ma jeclo in alaab walba meeshii loogu tala galay laga qaado, wayna la dagaallamaan dadka aan nidaamkooda ilaalin, waxayna ugu neceb yihiin wax ay meel ku ogaayeen inay ka waayaan, arintaan aad ayaa loogula yaabaa waxaana loo arkaa dad nolosha isku dhibayo laakiin iyagane waxay dadka ka soo horjeedo u arkaan dad aan nidaam aqoonin oo wax ka qaldan yihiin, waxayna isku dayaan in dabcigooda ay baraan dadka la dagan.
  • Waa dad jecel qorsheynta iyo ka baaraan dagidda, ma jeclo wax aysan ku tala galin in la geliyo sida in la soo boqodo iyadoo aan loo sii sheegin, in howl aysan diyaar u ehayn loo dirsado, wax walba ay qabanayaan waxay jecel yihiin inay ka sii fakaraan oo wixii ay qaban lahaayeen maskaxda ku sii haystaan iyagoo aan qofne la wadaagin, marka dadka dabcigaan leh waa qasab in wax walba oo noloshooda ka mid ah ay sii qorsheystaan xittaa waxyaabo aad u yaryar oo aad la yaabaysid mararka qaar in ay ka sii fakaraan.
  • Dabcigaas qorsheynta iyo foojignaanta wuxuu ku abuuray dabci ah in aysan la heshiin karin dadka lug-gooyada u saaxiibka ah, balantane ka baxa, qorshahane aan lahayn oon waqtiga qiimo ugu fadhin.
  • Maadaam ay yihiin dad go'aan leh way ku fiican yihiin waxbarashada iyo shaqada, heerar fiicanne way ka gaaraan, dadka dabcigaan leh markay yar yihiin uma baahna in la diro ama lagu booriyo howl laga rabay inay sameeyaan, waalidku dhib kama maro waxbarshadooda iyo noloshooda kalaba.

Dabciyadaan dartood, way adag tahay in dadka qaar ay fahmaan dadkaan, waxaana loo arkaa dad nolosha isku adkeeyay, jecelna inay dadka kale sidaa u dhaqmaan. khaasatan qofka ay la nool yihiin hadduu yahay qof leh dabci lid ku ah dabcigaan leh, badanaa ma heshiin karaan oo waxay isku dagaalaan waxyaabo yaryar oo qofkaan u arki karo wax aad u wayn oo lama taabtaan ah.

Maxay ku fiican yihiin dadkaan?
  • Howlkarnimada: waa dad lagu aamini karo shaqadii loo dirsado, sidaa darteed dadka dabciyadaan leh way xiiseeyaan shirkadaha qaarkood.
  • Nidaamka iyo qorsheynta: haddii aad tahay qof jcel kala dambaynta, wax isku-ogaanshaha, waad is fahmi kartaa dadka dabcigaan leh, waa dad aad u ilaaliyo heshiisyada iyo balamaha.
  • Taxaddarka iyo foojignaanta: dhacdhacooda iyo khaladaadkooda aad ayuu u yar yahay, maadaama ay tillaab walba ay qaadayaan ka sii fakraan iyo waxii ka dhalan doonaba, sidaa awgeed waa dad lagu aamini karo howlaha aan xamili karin fashilka, laguna kalsoonaan karo.
  • Guusha: maadaama ay waqti iyo juhdi ku bixiyaan inay hadafkooda gaaraan, badanaa waxay soo hoyaan guul, mustaqbalkoodane horumar ayay ka gaaraan.
  • Kalsooni: waa dad aan cabasho badnayn oo naftooda ku kalsoon, waxay aaminsan yihiin wixii dhib soo waajaho in iyaga qof aan ahayn uusan xallin karin.
  • Dhiiro-gelinta: dadka dabcigaan leh uma baahno in la dhiirogeliyo, sababtoo ah ayagaa isugu filan dhiirogelin.

Sidee loola dhaqmaa qofka dabcigaan leh?
Qofka dabcigaan leh waa lala heshiin karaa:


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan wada joognaa xaaskayga 1 sano?

Started by Sadik AdanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5902
Last post June 09, 2019, 12:41:49 PM
by SomaliDoc
Waa inoo wada farxad iyo guul!!!!!!

Started by SOYDABoard Humanitarian Aid Organizations

Replies: 4
Views: 7957
Last post September 08, 2008, 01:09:00 PM
by Dr.Farabadan
Su'aal: Waxaan wada joognaa gabar?

Started by BoqornajaashiiiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4724
Last post April 21, 2019, 09:31:32 AM
by SomaliDoc
Dabciga Kacsanaanta Iyo Ku Qancidda Qadarta Alle.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 38755
Last post April 13, 2017, 08:13:30 AM
by Najma Saalax
Dabciga Maskax Furfurnaanta Iyo Iskadeedis La'aanta.!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 19917
Last post April 29, 2017, 08:54:14 PM
by SomaliDoc