Author Topic: Waa maxay sababaha keena Maskax Wareerku?  (Read 44148 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa maxay sababaha keena Maskax Wareerku?
« on: March 12, 2008, 07:02:23 AM »
Waxa jira fikrado badan oo ku saabsan waxayaalaha sababa maskax wareerka. Dooddaan waxay qayb ka tahay mid balaaran oo ka doodaysa waxa naga dhiga dadka aan nahay; in shakhsiyadaheennu ay ka dhashaan khibradaheenna nolosha ee aan soo marnay, ama in ay ka dhashaan dhaxalkeenna wiraasiga ah, ee ay waalidiinteen noo soo gudbiyeen.

Waxa suuro gal ah in qaarkeen ay dabiiciyyan u fududdahay inuu xanuun xagga maskaxda ahi ku dhaco, kaasoo ka bilaaban kara dhacdooyin rafaad leh iyo jugo.

Arrimaha soo socda waa sababaha suuro galka ah qaarkood.

Waxay jirro maskaxeedku ku iman kartaa arrimahan midkood uun ama qaarkood oo wada jira.

Nolosha qoyska oo adag
Haddii ilmuhu soo koray isagoo dareemaya in la dayriyay, ama waalidkii ka cabsada, ama la fara xumeeyo waxay dhamaan keeni karaan nabad galyo la'aan iyo khatar uu qofku ugu jiro inuu qaado jiro maskaxeed.

Cabburin
Intaan sii koraynnoba, waa nalaga hor joogsadaa inaan cabbirno dareenkeenna; waxaba laga yaabaa in nala ciqaabo haddii aan xanaaqno,
qosolno ama oyno. Dareennada la cabburiyo oo aan la soo ban dhigin waxay sababi karaan cadaadis dhaawici kara caafimaadkeena maskaxeed iyo ka xagga jirkaba.

Dhacdooyin nololeed dhib baddan
Kuwani waxay noqon karaan dhacdooyin jug wayn u gaysta qofka sida saaxiib ama qaraabo dhaw oo dhinta, ama halgan waqti dheer qaata sida haddi qofku yahay dhibbanaha dulmi ama cadaadis. Baayokemistari.
Samayskeena jirkeennu waxuu raad ku leeyahay maskaxdeenna. Tusaale, haddii aan naxno waxaan soo saarnaa dheecaan la yiraado Adrenaline kasoo ku yimaada waxa loo yaqaanno jawaabta dagaallan ama carar "fight or flight". Haddii dheecaanka adrenalinta aan loo isticmaalin ficil dhaqdhaqaaq ah, maskaxdeenu waxay noqotaa mid kacsan jirkeennuna mid kakan.

Hiddo sidayaasha (Genes)
Kuwani waa habka ay waalidku ugu gudbiyaan carruurtooda calaamadaha muuqaalka ah. Waxaa suuro gal ah in hiddaheennu ay raad ku leeyihiin shakhsiyaadkeenna. Waxaa jira hiddo sidayaal sababi kara xannuunno xagga muuqaalka ah, sidaas darteed waxa jiri kara hiddo sidayaal noo nuglayn kara xanuunno maskaxeed.

1- Waa maxay xanuun maskaxeed?
2- Sidee loo baaraa xanuunada maskaxda?
3- Noocyadee bay xanuunnada maskaxdu yeelan karaan?
4- Waa maxay sababaha keena maskax wareerku?
5- Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa?
6- Maxay asxabtu iyo qaraabadu samayn karaan si ay kuu caawiyaan?
7- Sidee baan u hagaajin karaa caafimaadkayga xagga maskaxda?

Wixii su'aalo aad qabtid halkaan ku weydii


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Toldo

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 92
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Waa maxay sababaha keena Maskax Wareerku?
« Reply #1 on: March 12, 2008, 02:34:44 PM »

 thank u so much somalidoc for this interresting topic  , it is important in la ogaado waxyabaha keena jirro maskaxeedka aad ban kugu mahadinayna

Offline Samira

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Waa maxay sababaha keena Maskax Wareerku?
« Reply #2 on: March 13, 2008, 01:30:19 AM »
aad ayaa ugu mahadsan tahay, lakin waxaan jeclaa inaad examples bixisid :) at least magacyada jirooyinka uu soomaali ah aan baran lahayn !!
 

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Waa maxay sababaha keena Maskax Wareerku?
« Reply #3 on: March 13, 2008, 02:46:56 AM »
Samira qoraalkii ka horeeyay kan ayaa tusaale ka bixinayay noocyada madax wareerka ee halkaan ka akhriso:
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=791.0

Halkaan ka akhriso dhamaan qoraalada ku saabsan caafimaadka maskaxda (Kuwa qoran iyo kuwa la qori doonaba)
http://somalidoc.com/smf/index.php?board=49.0

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66476
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69499
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62424
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46709
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44964
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc