Author Topic: Dabciga Kacsanaanta Iyo Ku Qancidda Qadarta Alle.  (Read 38750 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dabciga Kacsanaanta Iyo Ku Qancidda Qadarta Alle.
« on: April 12, 2017, 01:57:20 PM »


Bismillah,

Waa casharkii aad suagayseen oo ku saabsanaa qofkii lahaa dabciga welwelka, aadne u jeclaa inuu wax walba iska hubiyo inta uusan ku dhaqaaqin, dabcigaan waxaa cilmi ahaan loo yaqaano "Neuroticism" oo ah macnaheeda qof kacsan ama welwelsan, soomaalida qaarkoodne ay u yaqaanaan qof "neerfoos" ah.

Dadkaan way u sahlan tahay inay si degdeg ah ku galaan xaaladahaan soo socda sida welwelka, cabsida, xanaaqa, xasadka, masayrka, diiqada iyo kalinnimada, waa dad dareemahooda ay aad u kacsan yihiin, waxyaabo aysan dadka badanaa dhibsan ayay si sahlan ku dhibsan karaan.

Sidaa darteed, noloshooda waxay ku dhisan tahay hubsiino iyo ka fogaasho wax walba oo xaaladaas galin karo, ma ahan dad xanuunsan oo qaba xanuun dhimir, umana baahna wax daawo ah. sababtoo ah waa dabci Alle ku abuuray, wayna isku ogyihiin inay leeyihiin dabcigaas.

Hadduu welwelka ka bato oo ay xamili waayaan, waxay u nugul yihiin xanuunka niyad-jabka, markaas ayaa laga yaabaa inay u baahdaan la-tacaalis.

Dabcigaan wuxuu qofka ka dhigaa inuu ku jiro xaalad digtoonaansho ah oo dadka qaar u arki karaan in qofka uu qabo cudurka shakkiga.

Dabcigaan wuxuu kaloo keenaa in aad ka sii welwelshid howlaha kugu soo wajahan, taasoo ka cabsanaysid in ay kaa kala daataan sida imtixaanka, ballamaha muhiimka ah, sidaa darteed waxaad arkaysaa in qofka waqtiga la la ballamay muddo ka hor inuu tagoo meeshii lagula ballamay, in imtixaanka uu dhowr jeer sii diyaariyo, markuu ka soo baxane ay welwel ku abuurto iskuna dayo inuu dib u xasuusto imtixaankii si uu isku saxo.

Dabcigaan wuxuu kaloo keenaa in qofka aad uga welwelo caafimaadkiisa, kana fogaado wax walba uu isleeyahay dhib ayay kuu keensan kartaa, hadduu xanuun yar qabtane inuu meelo kala duwan talo ka raadiyo oo ay ka mid tahay internet-ka taasoo keeeni karto inuu ku sii wareero oo welwel dheeraad ah uu ka qaado.

Dabcigaan wuxuu kaloo keenaa in qofka uu caadaysto dhaqamo ka hortag ahaan ula jeedo sida inuu meeshii ku cusub ama muddo ka maqnaa iska hubiyo in looga soo horeeyay ama in la joogo, in albaabada xeritaankooda uu dhowr jeer hubsado, in fariimaha uu dirayo uu dhowr jeer ka fiirsado oo dhici karto inay saacado ku qaadato inuu go'aan ka qaato fariinta uu dirayo inay haboon tahay iyo in kale, sidaa darteed waxaa la yiraahdaa dadka dabcigaan leh "draft messages iyo draft emails" badan ayaa lagu yaqaanaa.

Dadka dabcigaan leh si sahlan ayay u laab kici karaan, sidaa darteed haddii ay wax murugo keynayo ay la kulmaan way adag tahay inay si dhakhso ah ku hilmaamaan, sidaa darteed way neceb yihiin in subaxdii hore war xun ku soo kacaan, sababtoo ah maalintaas oo idil waxay ku jirayaan murogo.

Dabcigaan wuxuu keenaa in qofka uu dhibsado sugitaanka badan sida meel lagugu daahiyo ama saf dheer aad u gashid meel aad howl muhiim ah uga baahan tahay.

Dabcigaan wuxuu qofka baraa ka sii baaraandagis iyo qorshayn joogto ah, sidaa darteed berri waxay qaban lahaayeen iyo meesha ay ka bilaabi lahaayeen waxay ka sii fakaraan habeenkii. sidaa darteed waa nooc digtoonaanshaha ka mid ah, wayna yar tahay dadka dabcigaan leh inay la kulmaan waji-gabaxnimo.

Dabcigaan wuxuu kaloo leeyahay in dadka kale aysan ku aamini karin qoyskooda iyo shaqooyinkooda, maadaama ay ka cabsanayaan inay wax ka dayacmaan, badanaa hooyooyinka ma jecla inay caruurtooda uga tagaan dad kale waxaana mar walba u sawirmayo dayacaad iyo khatar caruurtooda ku dhacday.

Dadka dabicgaan leh waxaa lagu tiriyaa in caqli badan leeyihiin, cilmibaarisyo lagu sameeyay dadkaan waxaa la ogaaday inuu Alle siiyay "IQ" dheeraad ah, sababtuna waxay cilmibaarayaasha ku sheegeen inay tahay ka shaqaysiinta maskaxda badan oo keensanayso in mar walba ay diyaar ugu jiraan waxyaabo badan oo aysan dadka kale u muuqan, taasoo qofka uu ka helayo khibrad badan iyo maskax firfircoon.!

Sidee lagu xakameeyaa dabcigaan?
Ma fiicno dabcigaan hadduu curyaamiyo qofka nolol maalmaadkiisa, maxaa yeelay hadduu qofka ku talax tago welwelka ama hubsiinnada xad-dhaafka ah waxay keeni akrtaa cudur shakki iyo cudur welwel, taasina sax ma ahan.
Waxa ugu sahlan uu qofka ku xakamayn karo dabcigaan ma ahan daawo iyo talo siin, waa inuu qofka aaminaa qadarta Alle, sababtoo ah wuxuu Rabbi kuu qoray ku seegi maayaan sidaa rabtid u taxaddar, hadduu qofka arintas ka dhaadhacdo culeys badan ayaa ka dagayo, wuxuuna ogaanayaa in qadarta Alle aan lagu celin karin dadaallada uu la imaanayo qofka dabcigaan leh.

Sidaa darteed, wixii karaankaaga ah qabo, wixii ka soo haray Alle u tala saaro, haka welwelin, hana ka muroogin, wixii ku dhaafay waa siday kuu dhaafeen, wixii kugu soo socdane kama gamban kartid.

Arrintaan aad ayay muhiim ugu tahay dadka dabcigaan kacsanaanta leh.

Akhriso Dabciyadii Hore:

Haddii aad qabtid su'aalo caafimaad ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Najma Saalax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Dabciga Kacsanaanta Iyo Ku Qancidda Qadarta Alle.
« Reply #1 on: April 13, 2017, 08:13:30 AM »
Mahadsanidiin.


 

Dabciga Maskax Furfurnaanta Iyo Iskadeedis La'aanta.!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 19911
Last post April 29, 2017, 08:54:14 PM
by SomaliDoc
Dabciga Madiidnimada iyo Mustaqbalka Qofka.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 35471
Last post April 01, 2017, 07:22:28 PM
by SomaliDoc
Dabciga Isxakamaynta iyo Wada Noolaanshaha!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 25528
Last post April 06, 2017, 04:10:54 PM
by SomaliDoc
Dabciga Ka Baaraan Dagidda Go'aan Qaadashada

Started by AshomBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15524
Last post March 15, 2020, 02:48:34 PM
by Deeqo Ali
Alle barigu waa daawada dareenka murugada

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 33319
Last post November 10, 2010, 08:59:46 PM
by SomaliDoc