Author Topic: Su'aal: Waa maxay Bronchiectasis?  (Read 3290 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Gaadhgaadh

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay Bronchiectasis?
« on: April 14, 2017, 05:20:13 PM »
Asc bahda somalidoc bacda salaan
Waa ku mahadsatihiin qaabka hufan oo ugu adeegtaan bulshada soomaaliyeed.

Su'aashadayda waxay tahay
Dhakhtar aan dhawaan la kulmay ayaa ii sheegay inaan qabo xanuunka (Bronchiectasis)
Hadaba dhakhtar xanuunkan muxuyahay somali se maxa loo yaqaan, dhulsomaliyeed ma joogo.
Hada daawo (Antibiotics) ah buu ii qoray dhakhtarka oo laba bilood ah ka dibna waan ku laa banaya wuxuu ii sheegay in qaliin laygu sameeyaa inay suurta galtahay,
Hadaba dhakhtar xanuunkan xal kale ma leeyahay oo aan qalin ahayn?
Muxuuse keeni karaa hadii aan iska dhaafo oo aanan qaliin samayn?
Jaxaakunullaah khayr





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay Bronchiectasis?
« Reply #1 on: July 29, 2017, 04:30:08 PM »
Bronchiectasis waa caabuq malaxi gashato oo lagu arko dhuumaha hawo mareennada, waxaa badanaa cilladaan lagu arkaa dadka tiibishadu ka daawoobay laakiin dhaawacyo ku reebtay, Alle wuxuu dhuumaha hawada ku abuuray difaacyo u qaabilsan in wasakhda iyo infekshanka kala dagaallamaan sambabada, sida qanjirro dheecaan jeermis dile ah soo daayo, wax sidii dhogorta camal ah oo qashinka soo saaro, qanjirro xab soo saara oo qashinka inuu gudaha usii gudbo ka ilaaliya, haddii marka dhuumuhu dhaawac gaaraan, barar ayay yeeshaan, difaaca ayaa meesha ka taga, wasakh ayaa fadhiisato, caabuq joogto ah ayaa ku dhasho, waxaana badanaa sabab u ah tiibishada qofka aan dhakhso laga daawayn, xalku waa in qofka la siiyo antibiotic lagu dilayo jeermiska meesha ku nool, daawo xabka soo saarayso iyo kuwa hawo mareennada waasicinayso si uu qofka u neefsado hadday neefsashado dhib ku ahayd, laakiin cilladaan muddo kooban ayaa laga bogsadaa wayna soo laalaabataa, xaaladaha qaarne qalliin ayaa lagu sameeyaa.

Haddii aad u baahan tahay faahfahain intaa dheer ama talo kuu khaas ah waxay ku xiran tahay baaritaananda lagugu sameeyay, heerka uu xanuunkaaga marayo iyo daawooyinka aad qaadatid, si arintaa lagaaga caawiyo, toos iigala soo xiriir bogga Facebook-ga qeybtiisa massages-ka: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 67718
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70905
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 63747
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48317
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46446
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc