Author Topic: Su'aal: Xanuun dhanka lafaha ah?  (Read 3094 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ibracade281

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanuun dhanka lafaha ah?
« on: April 14, 2017, 10:26:38 PM »
asc somali doc aad baan idiin salaamay marka hore marka xigtana waxaan jecalahay inaan idiin weydiiyo , waxaan ahay wiil dhalinyaro ah 20 jir marka waxaan qabaa xanuun dhanka laftaha gudaha ah oo bishii ama labadii bil mar ama labo mar aan isku arko oo markii lugta aan laabo xanuun saa'id ah aan dareemaayo ilaa iyo mudo 2 daqiiqo ku siman ka dib aan caadigeega kusoo laabanaayo anigoo iska ilaalinaayo inaan hadana laabo lugta markalle sida caadada ah xanuunkaan 2 lugood igama wada qabto marba mid buu iga qabta midig ama bidix waxaan ka dareemaaya lafta gudaha , mararkuu i qabto salaada xitaa dhib ayeey igu tahay laabida lugaha xiliga fadhiga , markii uu i qabto wuxuu i haaya maalin iyo habeen ama labo maalin mar mar ,  marka waxaa laga yaaba roomatiisimo inuu yahay inkastoo aanan aqoonin rooma tiisimo laf ahaantiisa marka tallo haleyga siiyo muxuu yahay maxa sababa maxaa daawo u ah , rooma tiisimo inuu yahay malaga yaaba un aniga roomatiisimo dhagta unbaan ka maqlay .

        Mhdsnd.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuun dhanka lafaha ah?
« Reply #1 on: July 29, 2017, 04:36:36 PM »
Warbixintu waxay ku xiran tahay da'da aad jirtid, sababtoo ah xanuunada lafa xanuunka u keeno dhalinyarad iyo dadka waawayn waa kala laba, sida aad tilmaantay xanuunku wuu noqon karaa roomaatiisam, wuxuu kaluu noqon karaa lafaha oo tayadu ku yar tahay sida kaalsiyamta, fitamiid D IWM, wuxuu kaluu noqon karaa cillad murqaha ah oo lafa xanuunka badanaa lagu qaldo, waxay kaloo noqon kartaa xanuun neerfo.

Si loo kala ogaado cilladaada waxaad u baahan tahay waraysi dheeraad ah si loo kala sooco xanuunkaaga, nagala soo xiriir qeybta massages-ka ee bogeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33642
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32703
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23845
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 42057
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29786
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc