Author Topic: Su'aal: Ka Argagaxidda Booqashada Isbitaalka?!  (Read 10744 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Najma Saalax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ka Argagaxidda Booqashada Isbitaalka?!
« on: April 11, 2017, 10:54:00 AM »
Dadka ka baqo dhaqaatiirta daawadana neceb maxaa lagu daweeyaa.
Ma jiraa qaab lagu laxin karo dhibtooda?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dadka ka baqo dhaqaatiirta daawadana neceb?
« Reply #1 on: July 30, 2017, 12:52:41 PM »


Bismillah,

Wuxuu qoraalkaan ku saabsan yahay dadka ka argagaxo booqashada isbitaallada iyadoo aan fasiraad loo haynin.

Inkastoo asxaab badan oo fikrado kala duwan ka dhiibteen ka argagaxa isbitaalka iyagoo qaarkood ku tilmaamay cabsi iyo fulaynimo qofka ku beeran, qaar kalane ay ku tilmaameen iimaan yari iyo qadarta oo aan la rumayn, qaarka kalane ay yiraahdaan waa dhimashada oo laga cabsado iyo Alle oo aan lagu xirnayn, laakiin cilladaan waa cudur nafsaani ah oo sidiisa u jira waxaana loo yaqaanaa "Nosocomephobia".

Waxaa badanaa cilladaan lagu qaldaa waxyaabahaan soo socda:

  • Ka wiswiska isbitaallada: waa cillad ay qabaan dad badan, kuwaasoo ay ka dhaadhacsan tahay in hadiiba ay isbitaal tagaan inay cudur ama xanuun ka soo qaadayaan, taasi waa shakki iyo waswaas ka duwan cilladaan.
  • Cabsi dabiici ah: tan waa qofka oo ka welwelo baaris lagu samayn rabo ama qalliin la galin rabo ama waxyaabaha qaar uu kula kulmayo isbitaallada sida dadka ku xanuunsan oo kale, tanne waa arrin uu qof walba la kulmi karo, waana xaalad ku meel gaar ah oo qofka markuu ku negaado isbitaalka wuu la qabsadaa, hadduu dhowr jeer ku soo laalaabtane dabiici ayay u noqotaa.

Cilladda ka argagaxa isbitaallada "Nosocomephobia" waa arrin u baahan cilaajin iyo la talin nafsiyeed, sababtoo ah maahan wax qofka uu kontarooli karo oo inuu isbitaalka markuu galaba inuu suuxo ayaa dhici karta ama cadaadiska dhiigga uu dahco ama neefsashada ku dhegto, waxayna badanaa arrintaan salka ku haysaa dhaawac nafsaani ah oo qofka maskaxdiisa ka fuqi la' sida inuu isbitaalka ku waayay qof waalid ama walaal ah isagoo aad u da' yar, khaasatan caruurta markay waxyaabaha qaar aysan fahmi karin.

Arrintaan badanaa waxay bilaabataa caruurnimada, qofka noloshiisane saamayn ayay ku reebtaa, waxaana badanaa lagu taliyaa in caruurta aanan isbitaalka loo kaxayn illaa inay iyagu xanuunsan yihiin mooyee, laakiin qof xanuunsan inuu horay u sii kaxaysto ama qof ku xanuusan isbitaalka booqasho loogu geeyo waa laga fiican yahay.

Sidoo kale waxyaabaha hadda lagu tiriyo inay cilladaan abuuri karaan waxaa ka mid ah daawashada musalsalaatka ama filimaanta ku dhisan isbitaallada iyadoo waxyaabo badan oo xaqiiqda ka fog laga jilo, hadduu qofka badsado daawashada filimaantaas waxaa dhici kara inuu sawir qaldan ka qaato isbitaalka iyo dadka ka shaqeeyo, halkaasne uu ka qaado cabsi aanan jirin.

Dadka qabo cilladaan, waxaa xasuusta badanaa ku soo kiciyo markay arkaan labiska kalkaaliyaasha iyo dhakhaatiirta ama dareemaan urta isbitaalka, taasoo ka dhalatay daawooyinka loo isticmaalo jeermis dilidda, markaas ayuu qofka xaalad isbadal ah galaa.

Qofka wuxuu dareemaa wadne garaac, feero xanuun, lalabo, wareer iyo neefsashada oo culeys noqoto, taasoo qofku is dhaho wadnaha ayaa ku istaagi rabo, xaaladuna ay kaga sii darto.

Cilladaan waxay kaloo ka agdhaw dahay cilladda ka argagaxa dhakhaatiirta laftirkooda iyo qalabyada wax lagu daaweeyo sida cirbadaha oo kale, taasoo iyadane loo yaqaano "Iatrophobia", qofka qaba cilladaan dhib kuma qabo tagista isbitaallada laakiin la kulanka dhakhtarka iyo dhiig-qaadista ama durista cirbadaha ayuu aad u neceb yahay, dadka qaarkoodne intaas dhib kuma qabaan oo aragga dhiigga dhibsadaan, waana arrin loo wada badan yahay.

Sidee loola tacaalaa cilladaan?
Daaweynta cilladaha nuucaan ah waxay ka wada siman yihiin in qofka uu si aayar ah loola qabadsiiyo waxyaabaha uu ka cabsanayo, ama la hilmaansiiyo taasoo loo yaqaano "desensitization" iyadoo qofka lala sheekeysanayo, kadibne wixii uu dhibsanayay si tartariib ah maskaxda loogu beerayo, tusaale ahaan:

Qofka isbitaallada ka argagaxo, waxaa la geyn karaa marka hore oo cunno laga soo siin karaa maqaayadda isbitaalka iyadoo la la socdo, kadib qolka sugitaanka ayuu muddo fadhin karaa isagoo wax fiirsanayo ama wax dhagaysanayo ama wax akhrisanayo, siyaabahaas ayaa la adeegsan karaa, hadday taasi shaqayn wayso waa in qofka loo sameeyo waxa loo yaqaano "Cognitive Behavioral Therapy" iyadoo fikrado dhiirrogelin ah lagu beerayo maskaxda qofka, haddii taasi socon wayso qofka daawooyin ayaa la siin karaa.

Marka waa muhiim in dadka cilladaan qaba ay la kaashadaan dhakhaatiirta ku takhassustay cilmu-nafsiga "psychology" maadaama ay khibrad u leeyihiin daaweynta "phobias-ka".

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 ama dhakhtarka toos ugala xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: