Author Topic: Su'aal: Cunto xumi ayaa i haysato?  (Read 3127 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mr Wadani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cunto xumi ayaa i haysato?
« on: April 15, 2017, 04:39:48 AM »
Asc  dhamaan dhakhatiirta sharafta leh
Magacaygu waa Mohamed Ahmed

1. Waxan tabanayaa cunto xumi oo ah markaan dareemo gaajo niyad ahaan inaan wax cuno ayaan rabaa balse markaan labo  (2) jeer ama sadex (3)jeer aan darsado cuntada lalabo ayaan dareemaa kadibna wayba iga hor'imataa cunada oo maba cuni caro.

2. Mararka qaar anigoo gaajaysan ayaa waxa dhacdaa hadii ay ii soo carafto cunada mise suugada inaan afka saaro iskabadaa ee halkas ayanba ooga tagaa waxana isku arkay dhibkaan mudo hada laga joogo  7years (sano).

Waxan laxariiray dhaqatiir kala duwan balse waxba iima sheegin xataa gaas ayan iska baaray lkn maqabtid aaya la'idhahay.

Waxan codsanayaa inaad faafahin iyo talo iga siisaan  arintaas inshaallah 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cunto xumi ayaa i haysato?
« Reply #1 on: August 01, 2017, 08:32:43 PM »
Lalabada la dareemo markii cunnada laguu keeno ama kuu soo carafto waa cillad badanaa ka dhalato caabuqa caloosha, waxaana lagu arkaa dadka gooryaanka qabo ama infekshannada kale sida Amiibaha iyo jaarda laambiyaha.

Haddii aad astaamahaas isku aragtay, fadlan saxarada iska baar si loo ogaado cilladda caloosha ka jirto.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: