Author Topic: Su'aal: Walaf siigo?  (Read 5905 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ladane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Walaf siigo?
« on: April 15, 2017, 10:32:53 AM »
asc dr
waxaan ahey nin dhalinyaro ah muddo siigeysanayay hadda waxaan dareemayaa natiijoyinkii caadadaas xumeyd sida dhabar xanuun biyo bax degdeg ah shaki iyo wasaas niyad jab qoraaladaadii hore waan akhriyay waxaan nolosheyda hadda kula balamey inan joojiyo caadadan waxaan ka codsanayaa inaad i siisid talo dhaxal gal oo an kula dagaalamo caadadan iyo natiijoonkeedii sida cuntooyinka ugu fiican an laasimo iyo daaawooyin wax iga tari kara dhabar xanuunka saaidka ah.
mida labaad miyay keenyaa enfekshtion kaadi mareenka caadadani?
waxaan jecelahey inan kenya so booqdo dr ma tahay macquul inan isbitaalkaga ka helo baaris iyo daweyn?
aad baad ug mahadsantahay dr




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Walaf siigo?
« Reply #1 on: August 01, 2017, 08:38:10 PM »
Caafimaad buuxa Alle ha ku siiyo, sidaan horayba uga hadlay caadadaan waxaa laga dhexlaa dhibaatooyin badan, waxaana filayaa inaad akhrisatay qoraalkii aan ku faahfaahiyay, haddiise aadan akhrisan, booqo link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0

Haddaan u soo laabto sida loola tacaalo dhibaatooyinka ka dhasha, marka hore waa inaad go'aan ka qaadataa sidaad u joojin lahayd caadadaan, iskuna mashquulisaa waxyaabo faa'ido u leh jirkaaga sida soonka, jimicsiga IWM khaasatan mar walba ay kugu soo dhacdo inaad samaysid, midda kale inaad ka fogaatid waxyaabah kugu soo ridi karo ama dareen khaldan kugu abuuri kara sida daawashada filimaanta xunxun IWM.

Midda ku saabsan nafaqada, ma jirto cunno u gooni ah arintaan laakiin cunno walba oo dabiici ah nafaqo iyo caafimaadba jirka way u leedahay khaasatan khudaarta iyo furutada.

Midda ugu dambayso, waa suuragal inuu infekshan jiro maadaama dhabar xanuun aad sheeganayso, wayna dhacdaa in siigaysiga uu qofka unugleeyo infekshanka, qofkane wuxuu markaa dareemaa dhabar xanuun, kaadi olol, qandho wadato dhaxan iyo danqasho bisqinleyda ah.
Akhriso qoraal kuu faahfaahin dono infekshanka kaadi mareenka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan isku dhabar xanuun siigo badan kadib?

Started by liban abdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6238
Last post October 09, 2018, 08:24:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Siigo gaaban dhib ma leedahay?

Started by GuudlaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4714
Last post December 05, 2015, 11:46:09 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan samayn jiray siigo?

Started by SakariyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6016
Last post May 18, 2018, 09:44:17 AM
by SomaliDoc