Author Topic: Su'aal: Qof uu dhig kufurtay maka bogsan karaa?  (Read 2909 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Shuaib Osman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Qof uu dhig kufurtay maka bogsan karaa?
« on: April 16, 2017, 10:52:00 PM »
Asc marka horewan umahad celinaya dhaktarka waxan raba intalo laigasiyo arintan doctor abahay oo da'a dikar bulaha marka mada ayu dhigkaga furtay hosbital ban geyay mudo marku jifay ayan kasosarar doctor waxu igudhahay ubogsan waxan uqaban karo hada malaha kinini bu isoqoray hada ilaaa sanad uu jifa hada garashada iyo hadalku uronyahay xoga lakin awod mala lugaha waysolamen sidu uadkayjiren makala baxayan doctor waxan kuwaydinaya malaga bogsan karaa ?seena lagudawayn kara ? Lugaha sodumayna maxaa lagudawayn kara        mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qof uu dhig kufurtay maka bogsan karaa?
« Reply #1 on: August 09, 2017, 10:47:05 AM »
Walaal xanuunkaan waxaa loo yaqaanaa "Stroke", weliba nuuca dhiigga ku furtay maskaxda ee "Hemorrhagic Stroke", ka kicista xanuunkaan waxay ku xiran tahay dhowr shay oo kala ah, qadarka dhiigga furmay ama ahmiyadda xididka dillaacay, dhiigga qeybta uu kaga shubmay maskaxda, da'da qofka, caafimaadkiisa guud, xilliga lagu bilaabay la tacaalista iyo qaabka loola tacaalay intaba.

Way jiraan dadka ka kaca laakiin isbadal joogto ah ayaa la dareemaa haba yaraato intay la egtahay, hadduu aabo sariir iska saarnaa muddada 1-ka sano ah iyadoo wax jimicsi ah ama murqo ka shaqaqysiin loo samayn waxaa isku soo laabmayo kalagoysyada waxaana dhacayo waxa loo yaqaano "Contractures", wayna dhib badan tahay in luguhu mar kale fidaan. Fadlan wixii faahfaahin dheeraad ah ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3552.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?

Started by AlkatraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 64230
Last post April 29, 2016, 09:52:03 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34677
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca
SU'AAL: NAASAHA HAWEYNKA MAKALA DHEERAN KARAA SIDA CADIGA AH AMASE WAA JIRO?

Started by SuhuurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 97104
Last post April 08, 2011, 09:07:47 PM
by SomaliDoc
Maxaa keena in ay dibnahaaga qolof cad korto? Maxaase lagula tacaali karaa?

Started by Cabdi2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24290
Last post February 15, 2016, 05:22:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: cunug 7 bilood jira olive oil dhegta malooga shubi karaa?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 11588
Last post April 03, 2011, 07:21:30 PM
by Abdikani