Author Topic: Su'aal: 10 daqiiqo gudahood ayaa 5 mar kaadiyaa?  (Read 3714 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Xamze Mohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: 10 daqiiqo gudahood ayaa 5 mar kaadiyaa?
« on: April 20, 2017, 12:04:45 AM »
Dhaqtar waxan isku arkay kaadi badan 10daqiiqo gudahood inan 5 mar kaadiyo xiliyada habeynkii dhaqatar mawaxaa jiro infection galo dhiiga oo dhiog la iskaga qaado  qof saxbkay ah aya arintan qabay kaadida badaan marka infection dhiiga ah ayaa qabta kudhahen dawo uso qoreen wana kuroonadey Alle kucafiyay marka dhaqtar fadlan iga talo sii xanunkas




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: 10 daqiiqo gudahood ayaa 5 mar kaadiyaa?
« Reply #1 on: August 19, 2017, 09:17:44 PM »
Waxa ugu badan ee keena kaadi badnida waa macaanka, hadduusan qofka qabin ama looga shakki qabin waxaa ku xiga caabuqa kaadi mareenka, waxaadne faahfaahinta ka akhrisan kartaa qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0

Midda ku saabsan infekshanka dhiigga kama tarjumayo xanuun gooni ah, hadduu qofka qabo infekshan nuucuu rabo ha noqdo, dhiigga waa laga arki akraa astaamo infekshan in dhiigga laga dareemayo laakiin taasi macnaheedu maahan in xanuun khaas ah uu yahay, faahfaainta ku saabsan infekshanka dhiigga iyo khaladaadka bulshadu ka aaminsan tahay ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5579.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: