Author Topic: SU'AAL: KHUDAARTA AAN LA DIIRIN, MA LA KARSAN KARAA?  (Read 2601 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
SU'AAL: KHUDAARTA AAN LA DIIRIN, MA LA KARSAN KARAA?
« on: April 24, 2017, 06:56:58 PM »
Salaan ka dib.
Haddii khudaarta la karsado iyadoo aan qolofta la diirin, ma isku mid baa marka qolofka laga diiro oo la kariyo. Kuwee baa nafaqo badan?
Khudaarta aan ka hadlayo waa Khudradda suugada laga sameeyo sida; Yaanyada, Baradhada, Bocorka, IWM.
Mahadsanidiin.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: KHUDAARTA AAN LA DIIRIN, MA LA KARSAN KARAA?
« Reply #1 on: September 04, 2017, 08:55:23 PM »
Qudaarta leh qolofta ee la fiiqo inta aan la karin sida yaanyada, baradhada iyo bocorka waxaa fiican in aan qoloftooda lagu kariyo markii nafaqo ahaan loo hadlayo, sababtoo ah qolofta waxaa ku jiro nafaqo u gooni ah, tusaale ahaan yaanayada qolofteeda waxaa ku badan maadada loo yaqaano "carotenoids", sidoo kale qolofta baradhada waxaa ku badan maadada loo yaqaano "Potassium", waxaa intaa sii dheer in qolofta qudaarta badankood aysan caloosha shiidin, laakiin faa'idooyin kale laga helo sida jilcinta saxarada iyo dheefshiidka mindhicirrada.

Talo: Haddii aadan qolofta jeclayn, cunnada markaa ku karisid kadib iska bixi, faa'idadeeda suugada ayay ku hartay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: