Author Topic: Su'aal: Waxaan isku arkay cun cun dhanka xaninyaha ah?  (Read 3745 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdow92

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan isku arkay cun cun dhanka xaninyaha ah?
« on: April 27, 2017, 03:43:33 PM »
Scw Dr waxa raba ina fikir igasiiso Arintan: waxa isku arkay cun cun dhanka xaninyaha ah markaa xoqo waxa kasobaxa finan kdb finka markaa afka bajiyo waxa kasobaxa wax Cad.  Sidii saas u heed marki dambe finanki waxey iskubadalen marki waxa cad kasobaxan inee afka kaxerman oo mesha naqato mel kusan oo hadane aad u adag hal finna maha ee wa kuwa bdn oo xaninyaha bis kuyala markaa riixo xanun igumahyaan finankas wa weyn Oo dhagaxa cml ah mar an dhaqtr tagay waxu ishegay in qaliin eey yihiin xalkoda mgacoodana waxoo igushegy marku dhawaqayay Ambeeeba cml udhawqay marka iri waxan maxa ladhaha. Allah kubarakeye wxan wxe yihin iyo qalinka xaninyaha le lagusameyna nuca oo naqakro inaa ifaideysa raba jazaakallahu khyr




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isku arkay cun cun dhanka xaninyaha ah?
« Reply #1 on: September 13, 2017, 07:27:29 PM »
Ameeba waa jeermis keena calool xanuun, wax saameyn ah kuma lahan qooraha iyo finanka ka soo baxa toona, marka waxaan filayaa in aad adigu magacaa u mooday.

Finanka ama kuuskuuska ka soo baxo qooraha waxaa keeno dhowr waxyaabood oo kala duwan, waxaana lagu gartaa aragtid, xaalado dhif ah mooyee inta kale qalliin uma baahna, marka si loo ogaado cilladaada nuuca ay tahay iyo talada kugu haboon waa in la arkaa kuuskuuskaas aad tilmaantay inkastoo aan u maleynayo cillad la dhaho "Scrotal Sebaceous Cyst".

Haddii aad u baahan tahay inaad ila wadaagto sawirradaas si aan talo dheeraad ah kuu siiyo, waxaad iigu soo diri kartaa barnaamijkeena rukumashada ee Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26217
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26896
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25173
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10060
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan socdo waxaan dareemaa in uurjiifku uu dhaqaaqa joojiyo?

Started by Umu MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9702
Last post February 12, 2016, 08:11:39 PM
by SomaliDoc