Author Topic: Su'aal: Waxay qabtaa xanuun dhanka madaxa ah?  (Read 3377 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Binjaama

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxay qabtaa xanuun dhanka madaxa ah?
« on: April 28, 2017, 07:39:33 AM »
Asc wrwb dhaman bahweynta umada somaliyeed gaar ahaan howl wadeenada somalidoc iyo dr Mahdi wan idin salamay
Salaam kadib wa anigoo ah Amiin shariif haashim jooga mogadisho
waxa jirta gabar aan aniga qabo oo qabta xanuun dhanka madaxa ah soona jiray ugu yaraan 8sano una sawab jug madaxa ugu dhacday waxi intas ka dambeeyay Dr neerfo ah ayaa loogeeyn jiray bil waliba daawooyin ayay kunooleed marka daawada kadhamato xanunka sidii buu uqaban jiray xanuun xad kabax ah sanadi 2015 waxa ka go'ay Daawoyinki ay kunooleed oo uma aysan laaban Dr kii so that waxay isticmaali jirtey tramadol injection oo xanuun Dejin ah intaa kadib 2016/  aniga ayaa guursaday uur ayay qaaday way kasoo baxeen ama kasoo halaabeen waxaana markaasi caado u ahaa tramadol injection oo maalin walba qaadan jirtay uurkeedana wuxu ahaa 3 months Wayna kasobaxeen hada uur kale ayay leedahay oo ah 6 month's xanunkana sidii iyo si kadaran ayu ujiraa walloow aysan isticmaalin tramadol injection sometimes waxay isticmaasha prectamol tablet or injection iyo meloxicam tablet inkasto xanuunka uusan kabaabi'ineeynin balse niyada isaga dhisataa sometimes xanuunka si waali ah ayu uqabta oo aan lasheegi karin marka ay taasi dhacdo waxa lasiiyaa promathazine injection si ay uhurudo xanunkana uga dago hadaba waxaa kala jiro habeenki 12 ka saac il isma saarayso oo mahurdayso way iska soojeeda xataa mararka qaar promathazine injection wax kamatarayo hadii laduro way iska soojeeda marka Dictore arintaas problems ka ayaa ihaysto maxaa igula talinaysiin adigo mahadsan illaaheyna ajar & xasanaad hakaasiiyo jawaab Dhaqsi ah ayaan idiinka rajayna insha allaah wabillaahi towfiiq




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxay qabtaa xanuun dhanka madaxa ah?
« Reply #1 on: November 28, 2017, 02:00:11 PM »
Bismillah,

Marka hore xanuunka neerfaha ee lagu sheegay nuuciisa inaad warbixinta soo raaciso iyo daawooyinkii hore ee ku fiicnaan jirtay ayaa haboonayd, midda xigta qof daawada Tramadol-ka qabatimay oo muddo qaadanayay wax kama tarayso daawooyinkaan kale  sababtoo ah qofka daroogo camal ayay daawadaas u qabanaysaa oo iyadaaba dhibkeeda wadato, qofkane hurdo iyo hoyaad labaduba wuu ka tagayaa markay daawada qabato.

Marka qofka sidaan ah waxay u baahan tahay in isbitaal la jiifiyo oo daawada laga jaro, looguna badalo daawooyin dajiyeyaal aan uurka waxba u dhibaynin, sababtoo ah haddii ay sidaan ku sii socoto inuu dilan kalo yimaado ayay halis ugu jirtaa ama in daawadeedii hore ku laabato iyadoo aan laga war qabin.

Fadlan akhriso qoraal ku saabasan dhibaatooyinka daawada Tramadol-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8291.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33235
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32274
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23467
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41594
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29395
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc