Author Topic: Dabciga Maskax Furfurnaanta Iyo Iskadeedis La'aanta.!  (Read 19912 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dabciga Maskax Furfurnaanta Iyo Iskadeedis La'aanta.!
« on: April 29, 2017, 08:54:14 PM »


Bismillah,

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa dabcigii 5-aad ee ka mid ahaa taxanihiin dabciyada bini'aadanka ee aan horay uga soo hadlaynay, maanta waa dabciga afka qalaad lagu dhaho "Openness", waa dabciga maskax furfurnaanta, waa qof aad ugu fiican khiyaalka iyo suuraynta, sheekooyinkiisana la xiiseeyo, waa qof leh wacyi-dareen, hareerihiisa aad ugu nugul, jecelne quruxda, farshaxanka iyo inuu wax walba ogaado khaasatan wixii ku cusub, usahlan tahay inuu la jaanqaado isbadallada uu la kulmo, wuxuu ka helaa kala duwanaanshaha, wuxuuna neceb yahay howlaha joogtada ah (routine-ka), badanaa shaqooyinka kuma nagaado, deegaankane inuu badbadasho ayuu jecel yahay, markuu wax sharxayo wuxuu adeegsadaa erayo dadka badankood ku adag, wuxuu aaminsan yahay in maskaxdiisu ay ka buuxaan fikrado cajiib ah, wuxuu ka helaa dalxiiska iyo diraasaynta dhaqamada umadaha kale. Waa qof aan dhib u arkin inuu khilaafo xeerarka u dagsan bulshada maadaama isbedelka uu jecel yahay.

Dabciga maskax furnaanta "opennes", waxaa laga dareemaa qofka fikirkiisa, hadalkiisa iyo dhaqankiisa.

Muxuu ku fiican yahay qofka dabcigaan leh?
Waa qof dadka la heshiin karo, badanaa ma doodo, ma dagaallamo, shakki inuu kaa qabo ma muujiyo, waa qof aad ka dhaadhicin kartid fikirkaaga, hal meel kuma dhago, wuu kuu tanaasuli karaa, waa qof jecel gabayga iyo suugaanta inuu allifo maadaama uu u nugul yahay bii'ada uu ku nool yahay, shucuurtiisane ay hufan tahay lana jaanqaadi karo nolosha iyo quruxdeeda, waa qof la dhaqmi kara ummado kala duwan. waa qof aan is-dhibka iyo shuruudaha jeclayn, inuu noloshiisa badalo way u sahlan tahay, inuu safar dagdag ah ku baxo ma dhibsado.

Muxuu ku xun yahay dabcigaan?
Qofka in loo arko fallaago maadaama uu xeerarka bulshada isku af-garato ama udagsan uu khilaafi karo iyo isagoo fikrado ka soo horjeedo bulshada uu ku dhex nool yahay uu la yimaado taasoo keeni karta inuu dhib kala kulmo iyadoo wax xumaan ah ula jeedin iyo qofkoo dhaqamo kale si sahlan lagu xambaarsiin karo.
Waxaa intaa sii dheer ma ahan dad jecel inay hal shaqo oo joogto ah ka shaqeeyaan ama hal meel kaliya daganaadaan, sidaa darteed waxay ku fiican yihiin shaqooyinka safarka u badan.

Sidee loola dhaqmaa qofka dabcigaan leh?
Badanaa dhib lagama kulmo qofka dabcigaan leh, dadku way jecel yihiin, si sahlan ayuu xiriir ula samayn karaa dadyowga kala duwan, waxaa dhibsan karo kaliya dadka nolosha ay wadaagaan iyagoo u cabsanayo inuu sumcad xumo usoo jiido.


Wixii su'aal oo faahfaahin u baahan ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal Qureec/Quraac la'aanta subaxdii caafimaad daro miyay keentaa ?

Started by Hassan-DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 78548
Last post March 10, 2012, 02:28:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Faaliga qaybta keenta indho la'aanta deg degga ah?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7312
Last post June 16, 2011, 09:12:15 PM
by SomaliDoc
Daahidda Hadalka iyo Hadal La'aanta Caruurta

Started by IfrahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 50683
Last post November 06, 2018, 03:15:25 PM
by Maria111
Su'aal: Maxaa keena ugxan la'aanta dumarka?

Started by Fatxiya1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9663
Last post May 02, 2015, 12:28:50 PM
by SomaliDoc
Wacyi la'aanta xuduud ma leh - Sheeko la yaab leh

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 17744
Last post October 05, 2015, 09:16:48 PM
by SomaliDoc