Author Topic: Su'aal: Caaro ayaa afka iiga kaadisay?  (Read 29997 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Caaro ayaa afka iiga kaadisay?
« on: April 30, 2017, 07:24:08 PM »
Markii habeen kii aad seexato oo beri markii laga kaco faruurta (bushinta) oo beya gashatay waaa maxaag???
Dad ayaa dhaho  caara caara kaaga kaadisay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caaro ayaa afka iiga kaadisay?
« Reply #1 on: September 23, 2017, 01:36:19 PM »


Bismillah,

Waxaan casharkaan ku soo qaadanaynaa nabraha ka soo baxa bishimaha dhinacyadooda taasoo bulshadu aaminsan tahay inay ka timid "caaro ku kaadisay qofka".

Waa maxay nabraha afka ee "caarada" loo yaqaano?
Nabrahaani kama yimaadaan caaro qofka ku kaadisay, ama afkoo dufan leh oo la seexday ama busto la isku daboolay qofkoo qandho hayso, intaba waa waxyaabo khuraafaat ah oo ay bulshadu aaminsan tahay, laakiin sida la ogyahay nabraha nuucaan ahi waxaa keeno jeermiska fayraska, weliba nuuca loo yaqaano "Herpes Simplex", kaasoo loo kala qeybiyo laba nuuc: Lambar 1 oo ku dhaco afka, loona yaqaano "herpes labialis" iyo Lambar 2 oo ku dhaco cawrada, loona yaqaano "genital herpes".

Nabrahaani waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Cold Sores" maadaama uu badanaa hargab ahaan qofka u qabto ama waxaa kaloo loo yaqaanaa "Fever blisters" taasoo macnaheedu tahay "nabrihii qandhada", maadaama la arko xilliyada qofku qandhaysan yahay.

Maxaa lagu gartaa nabrahaan?
Waxaa lagu gartaa inay furuuruc ahaan u bilawdaan marka hore, taasoo leh cuncun iyo xatxato, kadibne biyo cad ayay gashadaan, maalin kadib way dillaacaan iyagoo soo daaya dheecaan dhagdhag leh, kasoo meeshii uu gaaro ku faafi kara, maalmo ka dib wuu qallalaa, qolof dhacayso ayuu yeeshaa. nabarku wuxuu badanaa ku baaba'aa maalmo illaa 2 usbuuc inta u dhaxaysa.

Sidee ayuu ku yimaadaa xanuunkaan marka hore?
Fayraska HSV aad ayuu ug badan yahay dunida, si dhakhso ahne wuu ku faafaa, wuxuuna ku dul noolyahay dadka badankood laakiin wuxuu jirka kaga gudbaa meelaha jilcan ee dildillaaca yeelan karo sida bishimaha maadaama uu calyada ku dhex nool yahay, waxaana lagu kala qaadaa shumiska, weelasha cabitaanka oo la isla wadaago, cadayga ama buraashka iyo sakiimaha lagu xiirto. waalidku si sahlan ayuu u qaadsiin karaa caruurtiisa khaasatan kuwa yaryar. Akhriso xanuunada kale ee lagu kala qaado shumiska / dhunkashada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6655.0

Waxyaabaha soo dadajiyo fayraskaan inuu mar kale soo laabto waa difaac yarida qofka taasoo ka imaan karta xanuuno kale, welwelka, cunno xumida, xanuunka macaanka IWM.

Waa maxay astaamaha kale ee lagu garto xanuunkaan?
Inkastoo dadka badankood aysan astaamo kale isku arkin laakiin dadka qaar waxay dareemi karaa maalmo ka hor inta nabraha soo bixin qandho, cuno xanuun, qanjirro barar iyo caajis jirka ah.

Sidee loo baaraa nabraha "herpes"?
Nabraha herpes-ka waxaa lagu gartaa aragti, laakiin dhakhtarka wuxuu ku sii hubsan karaa isagoo dheecaanka baaritaan u diro si looga fiiriyo fayraska HSV-1.

Sidee loo daweeyaa nabraha herpes?
Badanaa nabrahaan way iska baaba'aan maalmo ka dib iyadoo aan daawo loo qaadan inkastoo ay soo laaban karaan, laakiin hadduu xanuun jiro ama aad ka xishoonaysid in nabraha kugu daahaan wuxuu dhakhtarka kuu qori karaa kaniini ama bamaato fayraska la dagaallamo si nabruhu dhakhso u bogsadaan, laakiin ma jirto daawo jirka ka wada saarayso xanuunkaan waana sababta u soo laalaabto. Waxaa meelaha qaar laga helaa bamaato dhakhso u bogsiisa nabrahaan oo dhakhtar la'aan farmashiyada laga gadan karo "OTC", waxaana loo yaqaanaa "Docosanol cream" ama "Abreva Cream".

Sidee looga hortagi karaa nabrahaan?
  • Iska ilaali inaad  taabatid nabar qof kale ku yaallo ama ku soo gaaro dheecaankiisa.
  • Qofne hala wadaagin sakiin, caday, shukumaan, koobka biyaha lagu cabo IWM.
  • Markuu nabarka kugu yaallo, ku dadaal inaad gacmaha joogto u dhaqdid si aadan ugu gudbin qof kale.
  • Ka fogow waxyaabaha qaldan ee sii faafin kara fayraska sida in nabarka la xoqo iyadoo la adeegsanayo toon, liin ama abu-faas, taasoo ah waxyaabaha bulshadu u isticmaasho.
  • Waalidka qabo nabrahaan ha iska ilaaliyo inuu dhunkado caruurtiisa si uusan u qaadsiin fayraska.

Waxaa nabrahaan lagu qaldaa xanuuno kale oo bushimaha ku dhaco sida biijada, dabdhulka, nabraha bushinta hoose gudaheeda ka soo baxa ee loo yaqaano "Canker sores", faahfaahinta labadaan xanuun ka akhriso halkaan:

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ama aad dhakhtarka u baahan tahay kala xiriir bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: